4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Shirkado Fara Badan oo ku Tartamaya Ballaarinta Biyaha Hargeysa

Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — Mareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargaysa iyo Wasiirka Biyaha Somaliland , ayaa sheegay inay magaaladda Hargeysa yimaadeen afartan shirkadood oo ka kal ay yimid dalalka aduunka oo tartan u galaya biyo balaadhinta magaaladda Hargeysa.

Maareeyaha biyaha Hargeysa, Ibraahim Siyaad ayaa sheegay inay afartanka shirkadood ee tartanka u galaya biyo balaadhinta Hargeysa ay kormeereen goobaha biyaha uga yimaadaan Hargeysa iyo goobaha ay ka shaqayn doonaan, waxaanu sheegay inay shirkaduhu ka kala yimaadeen Somaliland, Afrika, Yurub iyo Aasiya.

Mashruucan biyo balaadhinta oo ay bixinayaan midowga Yurub ayaa waxa hirgelin doona UN-HABITAT ee Qaramadda midoobay taas oo soo xayeysiisay soo iibinta beebebka biyaha iyo isku rakibadda beebabka biyaha, taas oo ay soo codsadeen inay qandaraaskaasi qaataan afartan shirkadood, haseyeeshee waxa ay Qaramadda midoobay ku wargeliyeen inay soo booqdaan goobta ay ka shaqaynayaan ee magaaladda Hargeysa.

“Saaka halkan waxa lagu soo casuumay shirkadihii codsaday ama kasoo qaygalay ee yidhi mashuurcaas ayaanu doonaynaa inaanu fulino ayaa lagu yidhi soo booqda Hargaysa iyo halkaad ka fulinaysaan markaana  waxa kasoo qaybgalay 40 shirkadooda oo doonaya mid kastaba inuu ku guulaysto sidii uu bariga iyo waqooyiga Hargaysa biyo balaadhin uga samayn lahaa”ayuu yidhi Meereeyaha biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad.

“Waxay muujinaysaa Shirkadahan maanta yimid magaalada Hargaysa in dalka waxbadan kusoo kordhin doonaan, kuwaas ictiraafkii aynu inta badan sugaynayna uu maanta halkan inooga soo hilaacay madaamo oo 40-kaas shirkadood ay la yaaban yihiin nabada ay Somaliland ku naaloonayso, waxaana wax lagu farxo ah in dalkii Somaliland uu maanta noqday meel lagu soo hirto”ayuu yidhi wasiirka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdalle.

Si kastaba ha ahaatee, xaafadaha magaaladda Hargeysa ayaan qaarkood biyo helin, taas oo keentay inay mararka qaarkood mudaharaaddo ka dhasho, haseyeeshee, midowga Yurub ayaa Somaliland u balanqaaday inay maalgalinayso biyo balaadhinta magaaladda, isla markaana ay ku bixinayso malaayiin dollar.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland