4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Haweeney Toogatay Ninkeeda oo u shaqeynayay Dowladda Somalia

Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — Haweeney ayaa toogasho ku dishay saaka aroortii hore seygeeda oo u shaqeynayay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.

Toogashadan ayaa dhacday xilli mas’uulkan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Sh. Sadiiq uu isku diyaariyay inuu shaqadiisa aado, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inay disho.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in marxuumka la dilay uu lahaa dhowr xaas, lagana yaabo in loo dilay sababo dhinaca masayrka la xiriira, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn.

“Marxuuma waxaa toogatay mid ka mid ah xaasaskiisa, waxayna ku dishay qori u yaallay guriga,” ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL oo Kaxda ku sugan, isagoo sheegay in haweeneydii dilka geystay ay baxsatay.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo laga hayo dilkan iyo inuu jiray khilaaf u dhexeeyay ninka iyo xaaskiisa, iyadoo aysan ahay markii ugu horreysay oo haweeney ay disho saygeeda.

Sannadkii hore ayay ahayd markii haweeney aysan sidan oo kale u dishay saygeeda oo ka mid ahaa saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka, xilli ay ku dishay qori uu isagu lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya