4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Maamulka Somalida Itoobiya iyo Puntland oo xiriir iskaashi yeelanaya

Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa kulan gaar ah xalay kula qaatay madaxtooyada Jig-Jiga madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo safar maalmo ah ku jooga Itoobiya.

"Kulamo xiriir ah ayaan la yeelanaynaa madaxda halkan soo gaartay, maadaama ay dano badan inaga dhaxeeyaan"ayuu yiri madaxweyne Cabdi Maxamuud oo la hadlayay ESTV ,isagoo tilmaamay in booqashadan ay qayb-ka tahay adkaynta xiriirka labada dhinac.

Waxaa madaxweynaha Puntland safarka uu ku tagay magaalada Jig-jiga ku wehlinaya masuuliyiin sare oo ka tirsan golaha wasiiradiisa,taliyayaal dhinac amniga ah iyo masuuliyiin madaxtooyada Garowe ka tirsan.

"Daris -wanaagga ayaa ugu muhiimsanaa inaan ka wada hadalno madaxda DDS iyo xariirka ganacsiga "ayuu isna yiri Gaas oo beeniyay warar ay warbaahinta isla dhexmarayso oo ku aadan in Itoobiya uu u  yimid sidii uu u weerari lahaa Somaliland oo iminka gacanta ku haysa Sool.

Sidoo kale, madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tilmaamay in wada shaqayn buuxda ay la yeelan doonaan Puntland,waxaana madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa ay kormeereen goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Jig-jiga.

Booqashada uu Gaas ku yimid Jigjiga ayaa noqonaysa tii ugu horeysay oo uu ku soo gaaro Itoobiya tan iyo markii  xilka loo doortay bil iyo bar ka hor ,waxaana jira shakiyo badan oo laga muujinayo booqashadiisa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]