4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Xisbi Siyaasadeedka Midnimo Qaran oo oo Dhidibbada loo Taagay

Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — War-saxaafadeed uu xisbiga Midnimo Qaran kasoo saaray maanta Muqdisho uuna ku saxiixnaa guddoomiyaha xisbiga, Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi Baadiyoow ayaa lagu sheegay inuu xisbigu yahay mid siyaasadeed oo u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Haddana warsaxaafadeedka uu soo saaray Xisbiga ayaa wuxuu u qornaa sidan:

Xisbiga Midnimo Qaran waxaa aasaaska loo dhigay 12-kii November 2012, hawlihii abaabulka oo soo socday intii muddadaas ka dambeysay waxaa maanta oo ah 26-ka bisha Feberaayo 2014 aan si rasmi ah bulshadeenna ugu soo bandhigaynaa wixii noo qabsoomay.

Asaasayaasha XMQ waxay wada rumeysan yihiin in dhibka ugu weyn ee Soomaaliya soo gaaray ay sabab u tahay kali-talisnimo iyo qaanuun-jebin, loogana bixi karo dhibkaas haddii bulshada laga raro siyaasadda qabiileysan, loona raro nidaam Qaran oo Dimuqraaddi ah oo ku imaan kara hannaanka xisbiyada badan iyo dawlad-wanaagga. Sidaas darteed, xisbigu MQ wuxuu go'aansaday inuu u halgamo dhisidda bulsho Dimuqraadi ah oo fursadaha helitaanka hantida iyo awoodaha u siman, dhawreysana dhaqanka soo-yaalka ah iyo toosnaanta Islaamka.

Si loo xaqiijiyo himilooyinka kor ku xusan, waxaa lala socodsiinaynaa gabi ahaan shacbiga Somaaliyeed inaan billownay dhismaha xisbi siyaasadeed mudnaanta koobaad ka dhiganaya midnimada, nabadda iyo hormarka isla markaasna hormuud u noqonaya dib-uheshiisiinta bulshada Somaaliyeed.

Aasaaska xisbigan waa mid waafaqsan qodobka 16-aad iyo qodobka 22-aad farqadiisa (A) dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana la waafajin doonaa qaanuunka diiwaan-gelinta xisbiyada marka la sameeyo.

Xisbiga Midnimo Qaran waa xisbi siyaasadeed waddani ah, loogu talo-galay inuu isbedel dhab ahna ku sameeyo dhaqan siyaasadeedka ee ka jira dalka. Xisbigu ma aha mid shaqsi furtay, leedahay koox gaar ah, looguna dhisay in lagu gaaro dana gaaban. Waxaa xubinimadiisu u furan tahay qof kasta oo ku qanca ujeeddooyinkiisa iyo aragtidiisa, soona buuxiya shuruudaha kale ee xubinimada.

Laamaha xisbiga Midnimo Qaran waxaa laga furi doonaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Arrimaha xisbiga waxaad kala socon kartaa webka hoos ku qoran ee www.midnimoqaran.so.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya