Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo sheegay inay kordheen qoxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu laabanaya Somalia


Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameerika) ayaa sheegay in bilihiii lasoo dhaafay ay sare u kaceen qoxootiga sida iskood ah ugu laabanaya dalkooda Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay qoxooti badan dib ugu laabteen Soomaaliya, kuwaasoo ku jiray xeryaha qoxootiga ee Kenya, isagoo sheegay in qoxootigaasi ay iyagu go’aansadeen inay dalkooda dib ugu laabtaan, maadaama qaybo ka mid ah ay nabadi ka jirto.

“Tirada qoxootiga Soomaaliyeed ee goostay inay dalkooda dib ugu laabtaan ayaa aad u soo kordhayay lixdii bilood ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri dajiraha Ameerika oo intaas ku daray. “Qoxootiga ku laabtay Soomaaliya iyo kuwa hadda ay u qorsheysan tahay inay ku laabtaan dalkooda waa kuwo si iskood ah u go’aansaday inay deegaannadoodii ku laabtaan.”

Danjiraha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Kenya uu kala hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Kenya, kuwaasoo aad u kordhayay, isagoo xusay in dhallinyaradaas loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin burcad-badeednimo.

“Sidoo kale, waxaan rajeynaynaa in dhalliyarada ku jira xabsiyada Kenya loo ogolaado in dib loogu celiyo dalkooda, si ay ula midoobaan dadkooda oo ay nabadgalyo ugu noolaadaan,” ayuu danjiruhu hadalkiisa ku daray.

Go’aanka ay qaateen qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya horay ugu heshiiyeen inay qabtaan shir looga hadlayo dib u dejinta qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Kenya oo daris la ah Soomaaliya ayaa waxaa ku nool qoxooti Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay inay ka badan tahay hal milyan oo ruux, iyadoo kala-bar qoxootigaas ka mid ah ay ku nool yihiin xeryaha deegaanka Dhadahaab ku yaalla.

Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay in la diyaariyay nashaqaddii dib loogu dhisi lahaa safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya, isagoo xusay in safaaraddu ay dhismaheeda u guuri doonto marka la dhameystiro dib u dhiska.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News