
Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay kulan la yeeshay Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya , Dr Tedros Adhanom, waxaanay labada dhinaca kaga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga labada dhinac,isla markaana ay labadooduba ilaaliyaan wixii wax u dhimaya xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya.
Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Axmed Saleebaan Dhuxul.
“Wafdi culus oo ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibeda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha gudaha, Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya, Aadan Nuux Dhuule iyo safiirku xigeenka safaarada Addis ababa ,Ayaanle Salaad Diiriye ayaa kulan balaadan xafiiskiisa kula la yeeshay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimahaa dibeda itoobiya , Dr Tedros Adhanom”ayaa lagu idhi war-saxaafadeedkaasi, waxaana intaas la raaciyey “Kulankaasi oo qaatay waqti aad u dheer, waxay labada dawladood masuuliiintii metelaysay si mug leh uga wada hadleen xidhiidhka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal Itoobiya iyo Somaliland”.

“Masuuliyiinta labada dal, waxay isla garwaaqsadeen baahiyaha labada bulsho ee walaalahi u qabaan in ay iska kaashadaan Arrimaha nabad gelyada, dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada iwm” ayey raaciyeen.
Xukuumaddu waxay sheegtay inay ka wada hadleen saddex qodob oo kala ah In la xoojiyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan, in la dhiirigeliyo ganacsiga iyo maalgashiga in dib loo hawlgeliyo lana soo celiyo duullimaadyadii shirkada Ethiopian Airline iman jirtay Somaliland Hargeysa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland