
Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo safar ku jooga dalka Mareykanka ayaa dowladda Turkiga ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto dhameynta muranka siyaasadeed ee ka dhex jira Soomaaliya iyo Somaliland.
Xasan Sheekh oo magaalada Washington kaga qaybgalay kulan heer sare ah Jimcihii shalay ayaa khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin: ammaanka, kobcinta dhaqalaaha Soomaaliya iyo xiriirka dowladdiisa kala dhexeeya dalalka dariska ah. Isagoo sidoo kalena hadalkiisa kusoo qaaday dadaallada lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dowladda uu isagu madaxweynaha u yahay iyo maamulka Somaliland.
“Waxaan madaxda dowladda Turkiga ku ammaanayaa dadaalka weyn ee ay ugu jiraan xal u helidda muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaana naga go’an inaan sii wadno wadahadallada aan Somaliland kula jirno,” ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbaddiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaaanyo ayaa bishii Abriil ee sannadkan ku kulmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, taasoo qayb ka ahayd wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.
Sidoo kale, wufuud ka kala socday labada dal ayaa markii labaad kulan ku yeeshay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, bishii July ee sannadkan, kaasoo horay loogu sii wadayey wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u dhexeeya.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu kulankaas socday ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo laga weydiiyay arrimaha Soomaaliya, isagoo muujiyay in dowladdiisu ay dadaal weyn ugu jirto sidii xasillooni buuxda dalka looga hirgeln lahaa inta ka horreysa sannadka 2016-ka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in qorshaha dowladdiisu uu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho marka la gaaro xilliga ay howshoodu ku egtahay oo ku beegan bisha September sannadka 2016.
Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa shir looga hadlayay dib u dhiskeeda loogu qabtay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo loogu yaboohay lacag gaaraysa 2.4 milyan oo doollar oo saddexda sano ee nagu soo aaddan dib loogu dhisi doono Soomaaliya, kaddib 22-sano oo colaado ay ka jireen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya