
Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Ugu Yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay, dhaawacuna 50 waa ka badanyahay sida uu sheegay madaxa hay'ada laanqayrta cas ee dalka Kenya Cabbaas Guuleed.
Wuxuunuu ugu baaqay dadweynaha Kenya inay dhiigooda ugu tabarucaan dadka dhaawacyada ah ee xaaladoodu liidato.
Warar ay Hiiraan Online heshay ayaa xaqiijinaya dhimashada hal wiil oo Soomaali ah oo ku sugnaa xarunta kaasoo lagu magacaabo Yassin Xirsi.
Wararka ayaa sheegaya inay wada socdeen xaaskiisa, isla markaana xabadihii la is waydaarsanayay ay haleeleen.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa warar iskhilaafsan tabinaysa iyadoo warbaahinta qaarkeed ay weerarkan ku tilmaameen inuu yahay mid argagixiso, ragga weerarka qaadayna ay muslimiin u ekaayeen.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in weerarka ragga qaaday ay yihiin tiradooda toban ilaa shan inta u dhexaysa ayna ku hubaysnaayeen qoryaha AK47 iyo waliba bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Diyaaradaha militariga ee Helicopterka ayaa dul heehaabaya xarunta Westgate oo ay hareereeyeen ciidamada ammaanku.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in raggii hubaysnaa ay wali ku jiraan gudaha xaruntaas ayna haystaan tiro dad ah oo maxaabiis ku ah gudaha dhismahaas.
Xarunta Westigate oo kamid ah goobaha ugu bilicda san magaalada Nairobi ayaa Soomaalidu ay kamid tahay dadka aadka u fariista iyadoo ay u badanyihiin dadka fariista siyaasiyiinta iyo Soomaalida qurbaha kasoo laabatay.
Wixii warar ah ee soo kordha kala socda Hiiraan Online.






Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya