Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay cashuurta lagu kordhinayo Xoolaha iyo Gaadiidka Somaliland, kaas oo maalmihii u dambeyey ka doodayeen xildhibaanadda golaha Wakiillada.
Masuuliyiinta ugu saraysa ee xisbiga UCID oo maanta shirjara’id ku qabtay xafiiskooda ayaa sheegay inay xaaraantahay in xoolaha iyo Gaadiidka lacag lagu kordhiyo, waxaanay xuseen in aanay qaadi Karin, isla markaana iska xejin Karin dadka danyarta ah ee xoolaha iyo Gaadiidkaba ka faa’iidaysta.
“Wax la aqbali karo maaha, mana ogolaanayno in cashuurtaasi lagu kordhiyo Xoolaha iyo Gaadiidka, dadku uma baahna in cashuur lagu kordhiye ee waxa uu u baahan yahay in wax laga dhimo cashuuraha”ayuu yidhi musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo si weyn uga soo horjeestay xeerkaasi.
Sidoo kale, waxa isaguna madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu jabiyey dastuurka Eng:Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay inuu dhawr jeer uu madaxweynuhu jabiyey dastuurka, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin.
“Madaxweynuhu intii uu xilka hayey waxa uu dastuurka jabiyey dhawr jeer, sidaa darteed maaha inuu madaxweynuhu dastuurkii dalka u yaallay uu jabiyo, waana inuu sharci dajintu la xisaabtantaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID oo madaxweynaha ku eedeeyey inuu taladdii dalka ku wareejiyey cid aan la dooran.
Dhinaca kale, Waddayaasha Gaadiidka kala duwan ee magaaladda Hargeysa ayaa cabashadoodii la hortagay golaha Wakiilada kuwaas oo horteedda ka sheegay in aanay ogoleyn in golaha Wakiiladu ansixiyaan xeerkaasi lagu kordhinayo cashuurta laga qaaddo Xoolaha iyo Gaadiidka, waxaanay balan ku qaadeen in haddii la meel Mariyo mudaharaad balaadhan ka dhigi doonaan guud ahaan goboladda Somaliland.
Waxa isa soo taraya sida dadweynaha Somaliland uga soo horjeedda cashuur kordhinta xoolaha iyo Gaadiidka, waxaana golaha Wakiiladda loogu baaqay in xeerkaasi ay laaleen, maadaama oo aanu dan u ahayn shacabka Somaliland.
Haseyeeshee, xukuumadda ayaa ku dadaalaysaa sidii xeerkaasi u meel mari lahaa, iyadoo sheegtay in cashuurtaasi lagu kordhin doono xoolaha iyo Gaadiidka lagu horumarin doono wadooyinka Somaliland oo u baahan dib u dhis.
Golaha Wakiiladda ayaa maalinta Bari la filayaa inuu cod u qaaado xeerkaasi cashuurta lagu kordhinayo Xoolaha iyo Gaadiidka, kaas oo laba garab u kala jabiyey golaha, laba cisho ka horna keentay in gacanta la iskula tago.
Xeerkan ayaa tilmaamaya in neefka adhiga ah ee la iibinayo cashuurta lagu kordhiyo haaf Dollar, halka neefka Lo’da ah iyo ka Geellaba ah laba Dollar lagu kordhiyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland