Maamulka Puntland oo Maanta shaqada ka joojiyay xafiiskii TV-ga Universal uu ku lahaa Deegaannada Puntland

Sabti, Sebtember 21, 2013 (HOL)- Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka war-faafinta, is-gaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka ee Puntland, Axmed Sheekh Jaamac, kuna taariikheysan maanta oo Sabti ah, ayaa shaqada looga joojiyey xafiiska TV-ga Universal ee deegaannada Puntland.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka oo lagu socodsiiyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta, maamulka TV-ga Universal iyo hay'adaha amniga, ayaa lagu sheegay sababaha shaqada xafiiska Universal TV ee Puntland loo hakiyey.

Sababta koowaad ayaa la sheegay inay tahay in Universal TV uu si bareer ah u diidey baahinta khudbaddii uu jeediyey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed (Faroole), intii uu socdey shirkii New Deal ee kusoo gaba gaboobey Brussles
.

Sidoo kale waxaa wareegtada kasoo baxday xafiiska wasiirka war-faafinta Puntland lagu sheegay, in maamulka Universal TV ay dhaqaale ka qaateen madaxtooyada Muqdisho, taasoo ay si hoose arrintan ugu heshiiyeen.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Universal TV oo horay arrintan uga hadlay ayaa ku tilmaamay inay ahayd mid ku timid cillad dhanka farsamada ah, haseyeeshee aysan ahayn mid loola jeedey in cid gaar ah lagu xumeeyo.

Oktoobar 30, 2011 ayuu maamulka Puntland sidan oo kale Universal TV uga mamnuucay in uu ka shaqeeyo deegaanada uu ka arrimiyo, kaddib markii la sheegay in uu baahiyey warar ammaanka liddi ku ah, inkasta oo markii dambe dib loo fasaxay.

Shaqo joojinta lagu sameeyey xafiiska Universal TV ee Puntland, waxay kusoo aadeysaa xilli dhowaan amar kasoo baxay xafiiska war-faafinta si kumeel gaar ah shaqada loogaga joojiyey Telefishinka Qaranka, balse labo toddobaad kaddib ayaa loo oggolaaday in uu shaqadiisa sii wadan karo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya

More News