Ardayda Jaamacada Hargeysa oo Maanta dhigay Mudaaharaad ay ku diidan yihiin lacag uu kordhiyay Maamulka Jaamacadda (SAWIRRO)


Sabti, September 21, 2013 (HOL) —Ardayda jaamacadda Hargeysa ayaa maanta dhigay mudaharaad ay kaga cabanayeen lacag ay sheegeen in maamulka jaamacaddu uu ku kordhiyay lacagaha waxbarashadda Jaamacadda.

Ardayda jaamacadda ayaa saaka albaabka laga galo jaamacadoodda ka hor sameeyey mudahraad ay ku gubeen Taayiro, kuwaas oo ka cabanayey sanadkan oo maamulka jamacadu sheegay in lagu kordhin doono lacag waxbarashadooda.

Haseyeeshee wax yar ka dib waxa goobtii mudahraadku ka socday soo gaadhay wasiirka Waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan iyo Taliyaha Booliska Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal, kuwaas oo ardayda ka dhagaystay cabashadoodda iyo mudaharaadkoodu wuxuu daaran yahay.

Ardayda ayaa u sheegay in maamulka jaamacaddu ku kordhiyeen qiimo ka sareeya ka ay ku dhigan jiraan jaamacadda , waxaanay xuseen in aanay awoodi Karin lacagtan lagu kordhiyey, haseyeeshe wasiirka Waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan ayaa ardayda u sheegtay in aanay jirin wax la kordhin karaa, isla markaana intii awal hora laga qaadi jiray uun laga qaadayo, waxaanay usoo jeedisay inay is dajiyan, isla markaana waxbarashadoodii iska sii wataan.

Intaas ka dib waxa ardaydii joojiyeen mudaharaadkii oo ay ku kala dareereen, iyadoo wadadii la xidhayna dib loo furay.

“Waxaa la kordhiyay waa lacagtii jaamacadda ee Semester-ka la qaadi jiray oo tusaale ahaan ardayda Sayniska dhigata waxa Simistarkii laga qaadi jiray $200 doollar sanadka kowaad, sanadka damba hoos buu u dhici jiray oo waxa laga qaadi jiray $157 doolar sidaas ayuu sanadba sanadka ka dambeeya hoos u socday, haseyeeshee maamulka jaamcada ayaa sheegay in aanay qiimuhu isbedeleen $200 dollar hoos uga dhaceen, halka kuuliyadhaa kalana qaar kood wax lagu daray”ayuu yidhi Arday ka mid ah ardayda mudahaaraadaysay oo ka hadlaysay Qiimaha lagu kordhiyey Fee-ga jaamacadda.

Halka arday kale sheegeen in kuuliyadoodii lagu kordhiyey lacag ka badan kii ay ku dhigan jireen taas oo aanay awoodi Karin maadaama oo ay danyar yihiin.

Jaamacadda Hargeysa ayaa dhigta kuulliyaddo kala duwan oo kala qiimo ah, waxaana la sheegay in kuuliyad waliba intii laga qaadi jiray wax lagu kordhiyey, taas oo ardayduna si weyn uga cawdeen.

Dhawr jeer oo hore ayaa la isku dayey in la kordhiyo qiimaha jaamacada lagu dhigto, haseyeeshee Ardayda ayaa mar walba mudaharaad kaga dareen celinaysay in la kordhiyo qiimaha Jaamacada lagu dhigto.

Si kastaba ha ahatee, jaamacada Hargeysa ayaa ah ta ugu ardayda badan Somaliland, waxaana ardaydu dhigtaan afar wakhtiga oo kala duwan, Galinka hore, galinka dambe, habeenkii iyo Ardayda cusub oo dhigata  1 duhurnimo ilaa afarta galabnimo,isla markaana inta badan ay dhigtan ardayda danyarta ah maadaama oo ay ka qiimo jabantahay jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee magaaladda Hargeysa. 


Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland

More News