Sabti, September 21, 2013 (HOL) — 27-qof oo ka mid ah qoysaska ka tirsan naafada ciidamada xoogga dalka ayaa ku sumoobay caano ay shalay cabeen iyadoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho si looga daweeyo suntan ay ka qaadeen caanaha.
Dadkan ayaa la sheegay inay ku sumoobeen caano ay ka cabeen goob uu ka jiray Alle-bari, iyagoo mid-mid ay suntu usoo riddey, waxaana xalay loola soo cararay isbitaalka Daarul-shifa halkaasoo lagu daweynayo.
“Shaqsiyaadka ku sumoobay caanaha waxaa ku jira qoys dhan oo hooyo iyo caruur ay dhashay ka koobnaa, waxaana ka mid ahaa cunug yar oo weli naaska hooyadii nuugayay, kaasoo ay hooyadiis ka mid ahayd dadkii cabay caanaha sumeysan,” ayuu yiri qof ka tirsan qoysaska ku nool isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne, Cabdullaahi Sahal Gar-dhuub ayaa sheegay inay gurmad u sameeyeen dadka ku sumoobay caanaha, ayna ka qaadeen goobta ay ku sumoobeen gaadiidka gargaarka deg-degga ah, isagoo xusay in dadka ay mar qura ku dhaceen shuban iyo matag is wata.
“Dadkan sumoobay waxay u badan yihiin dad danyar ah, waxayna isugu jiraan kuwo waaweyn iyo caruur, inkastoo la daweynayo haddana xaaladda qaarkood ayaa laga dayrinayaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamar-weyne.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dadkii cunay raashinka balse aan cabin caanaha ay caafimaad qabaan, halka kuwii caanaha iyo raashinka isla cunay ay ku sumeebeen, isla markaana uu qaarkood ku dhacay shuban iyo matag wada socda.
Ma ahan markii ugu horreysay oo dad caano cabay ay ku sumoobaan, balse dhowr jeer oo hore ayay dhacday, inkastoo 27-kan qof ee mar qura caano ay cabeen ku sumoobay ay tahay tii ugu badnayd ee Muqdihso ka dhacda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya