4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Khudbadii Madaxweynaha Somalia uu ka jeediyay Munaasabaddii xiritaanka Shirkii dib u Heshiisiinta Jubbooyinka (SAWIRRO)


Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa goobta shirka ka jeediyay khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlay, isagoo sheegay in shacabka Jubbooyinka laga doonayo inay iyagu ka shaqeeyaan nabadooda.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu goobta shirka ka sheegay in shacabka gobollada Jubbooyinka ku nool uu xukumi doono oo keliya ciddii ay iyagu raalli ka yihiin, cid kale oo lagu qabsnayo inay xukuntana aysan jirin.

“Sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta idin kala soo qeyb-galo xiritaanka shirkan muhiimka ah. Waa shir taariikhi ah oo nooga wada baahan inaan ka wada-shaqeyno sidii uu u noqon lahaa mid dhaliya dib u heshiisiin waarta oo gobollada Jubbooyinka u horseedda nabad iyo horumar,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waxaan jeclahay inaan uga mahadceliyo maamulka Jubba iyo xubnihii dowladda federaalka Soomaaliya ee heshiiska ku soo saxiixay Addis Ababa iyo sida labada dhinacba ay u muujiyeen tanaasul, dulqaad iyo danta guud ee Soomaaliya.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku sheegay ujeeddooyinka shirkan loogu qabtay Muqdisho inay tahay sidii dadka deegaannada Jubbooyinka ku nool ay uga wadahadli lahaayeen arrimo dhowr ah si xal waara loogu helo. Waxaa muhiim ah in maamulka KMG ah ee Jubba uu noqdo buu yiri mid ay u dhan yihiin dhammaan dadka deegaanka oo laga wada qayb-galiyo talada.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Sidaas daraadeed, waxaa nalaga rabaa inaan la nimaadno biseyl, dulqaad, samir, is-tixgelin iyo inaan danta guud ka horumarino danaha gaarka ah,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu. Isagoo intaas ku daray. “Maamulka Jubba waxaa laga rabaa inuu tusaale u noqdo maamullada cusub ee soo socda, waxaana laga rabaa inuu shacabka deegaanka ka kasbado kalsooni, taasoo keeni karta in dowladnimadeenna, sharafkeenna, wadajirkeenna iyo karaamadeenna uu hormuud ka noqdo.”

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in aragtida shirarkan oo kale laga leeyahah ay tahay in dalka la gaarsiiyo marxalad uu kula tartarmo. Waxaan rabnaa buu yiri in Soomaaliya oo mid ah oo caalamka mug ku leh la arko, taasna waxay ku imaan kartaa buu yiri wadajirkeenna iyo xal u helidda dhibaatooyinka jira.

“Waxaa na sugaya qorshayaal fara badan oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka, dhaqan-gelinta federaalka, sameynta asxaabta siyaasadeed iyo dhammaan howlaha uu na farayo dastuurka KMG ah si aan sannadka 2016-ka u hirgelinno doorashooyin ka dhaca dalka,” ayuu khudbadiisa ku sheegay madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Waxaa jira caqabado fara badan oo na wada heysta, waxaan uga wada bixi karnaa isku duubni, wadajir iyo inaan danta guud ka horumarino danaha gaarka ah.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku yiri: “Waxaan idiin rajeynayaa in shirkan uu noqdo mid isku soo dhaweeya aragtiyada, mid keena in la isku dulqaato, mid noo sahla in maamulka Jubba uu si dhaqso leh uga howlgallo howlaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin in Al-Shabaab laga xorreeyo deegaannada, in maamul wanaag la gaarsiiyo degmo walba oo ka tirsan deegaanka iyo in dadka deegaanka loo diyaariyo sidii ay aayahooda uga tashan lahaaeyeen.”

Munaasabadda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa waxaa intii uu socday ka dhacay buuq ay sameeyeen ergooyinkii uu Kismaayo ka keenay Sheekh Axmed Madoobe, inkastoo khilaafkaas xal laga gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya