4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqaay inay caawiyaan Shacabka Jowhar (SAWIRRO)


Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta booqasho ku tagay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa ka dalbaday beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed inay kaalmo deg-deg ah u fidiyaan shacabka uu sameeyay fatahaada webiga Shabeelle. 

Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisa Jowhar wuxuu ku saabsanaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa loona qiimeyn lahaa khasaaraha uu geystay fatahaada Webiga Shabeelle iyo in shacabka la taageero.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan dal ama dibad inay si deg-deg ah uga soo gaaran walaalahooda dhibaateysan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, isagoo intaas raaciyay. “ Sidoo kale waxaa ka codsanayaa beesha caalamka inay kaalmo deg-deg ah ay la soo gaaraan deegaanadda ay mucjisadan qabsatay. Xilliyada adag oo ay jiraan dhibaatooyinka waa inaan is garab-istaagnaa kuwa ay dhiabatooyinku ku dhacaan oo aan hal meel uga soo wada jeesano annagoo hal ummad ah.”

Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaannada ku dhow-dhow ayaa waxaa ku fatahay webiga Shabeelle, kaasoo dhaliyay khasaare isugu jirta naf iyo maal, iyadoo safarka madaxweynaha uu noqonay kii ugu horreeyay oo mas’uul ka tirsan dowladda uu ku tago degmadaas.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in 11-qof ay ku dhinteen fatahaadaha ku dhuftay degmada Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow, iyadoo sidoo kale ay biyaha fatahaadda ah burburiyeen beero fara badan.

Jowhar ayaa la sheegay in saddex ka mid ah waddooyinka laga galo oo afar ah ay xireen biyaha fatahaadda ah, iyadoo gelitaanka magaalada uu yahay mid aad u adag, waxaana dadka qaarkood ay istimcaalaan doomo si ay isaga gudbaan degmada Jowhar iyo tuulooyinka daafaheeda ku yaalla.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xildhibaanno, wasiirro, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, hay’adda gargaarka ee Qatar, mas’uuliyiin ka socday isku-taga Imaraadka Carabta iyo saraakiil ka socotay rugta ganacsiga Soomaaliyeed.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya