4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Buuq ka dhashay Munaasabaddii Xiritaanka Shirkii Jubbooyinka oo lagu soo Gabgabeeyay Maanta Magaalada Muqdisho

Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe ee maanta ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdisho shirkii gobollada Jubbooyinka uga socday Muqdisho, inkastoo xafladdii xiritaanka shirkaas uu buuq hareeyay.

Buuqan ayaa ka dhashay markii ergadii la socotay Sheekh Axmed Madoobe ay ka biyo diideen qodobbadii lagu heshiiyay oo uu goobta ka akhriyay wasiirka arrimaha arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa dadaal badan u galay in ergadii la socotay uu ku qanciyo in qodobbada la saxayo, iyaguna ay is-dajiyaan, iyadoo intii uu buuqu uu socday ay goobta ku sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

“Dadka la sheegay inay heshiiska saxiixeen ma ahan inay iyagu nabadda iyo colaadda Jubbooyinka mas’uul ka yihiin ee waa magic-u-yaal, nabaddana waa mid ay iska leeyihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu goobta ka yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Madoobe oo hadlay ayaa sheegay inaysan jiri doonin in hab beeleed wax lagu qaybsado, waayo maamulkuba ma ahan mid lagu dhisayo hab beeleed.

Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada gudaha iyo dibadda magaalada Kismaayo ku sugan la isku daro lana qarameeyo, in Al-shabaab laga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo qodobbo kale.

Ugu dambeyn, waxaa la sheegay in shir daba socda shirkan lagu qaban doono magaalada Kismaayo, inkatsoo aan la shaacin xilliga uu dhacayo, balse waxaa la sheegay inay ka qaybgalyaan dhammaan dhinacyadii ku dagaalamay siyaasadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya