3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo Sarfar ku Tagay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar ku tagay maanta degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo uu ka fatahay webiga Shabeelle.

Safarka madaxweynaha ayaa wuxuu salka ku hayaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda nololeed iyo midda bani’aadamnimo ee ka jirta degmada Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Ammaanka degmada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo xaafadaha degmadaas ciidammo fara badan oo loogu talogalay inay sugaan amniga magaalada inta uu madaxweynuhu joogo.

Waxaa lagu wadaa madaxweynaha inuu la kulmo odayaasha, haweenka iyo maamulka gobolka Shabeellada dhexe, isagoo kala hadli doona xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool deegaannada ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen.

Intii wafdiga madaxweynaha Soomaaliya aysan gaarin magaalada Jowhar ayaa waxaa duleedka bari ee magaalada ka qarxay dagaal beeleed aad u culus, kaasoo ay ku baxeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo ciidammada dowladda.

Dagaalkan ayaa daba-socday dagaallo horay looga heshiiyay, iyadoo ay isku haystaan beelaha dagaalamaya dhul beereed muddo uu muran jiitamayay ka taagnaa.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii labaad oo uu madaxweynaha Soomaaliya ku tago magaalada Jowhar, isagoo safar dhinaca dhulka ah ku tagay Jowhar bishii September ee lasoo dhaafay, waxaase booqashadan ay kusoo aadday xilli dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay inaysan waxba ka qaban fatahaada uu webiga Shabeelle ka sameeyay degmada Jowhar iyo hareeraheeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/6/2013 1:19 PM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Cabdi Warsame iyo Axmed Xasan oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa noqday Soomaalidii ugu horreysay oo ku guuleysta golayaasha deegaanka Mareykanka, kaddib markii ay heleen codad ku filan guushooda.

11/6/2013 12:25 PM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa goobta shirka ka jeediyay khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlay, isagoo sheegay in shacabka Jubbooyinka laga doonayo inay iyagu ka shaqeeyaan nabadooda.

11/6/2013 12:12 PM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Wakiiladda ayaa maanta soo dhoweeyey Wefti ballaadhan oo ka socda Baarlamaanka iyo dawladda Kenya oo socdaal shaqo ku yimid Somaliland.

11/6/2013 12:08 PM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta booqasho ku tagay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa ka dalbaday beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed inay kaalmo deg-deg ah u fidiyaan shacabka uu sameeyay fatahaada webiga Shabeelle.

11/6/2013 9:34 AM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta lagu soo gunaanaday Muqdisho shirweynihii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed, kaasoo u qornaa sidan:

11/6/2013 8:50 AM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in Soomaaliya aan lagu xallin karin xilligan dagaal iyo awood, balse lagu xallin karo wadahadal.

11/6/2013 8:31 AM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo ka socday Muqdisho saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, inkastoo uu buuq ka dhashay lana xalliyay.

11/6/2013 8:04 AM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe ee maanta ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdisho shirkii gobollada Jubbooyinka uga socday Muqdisho, inkastoo xafladdii xiritaanka shirkaas uu buuq hareeyay.

11/6/2013 6:33 AM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) —Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadashay arrimo badan oo khuseeya doorashada soo socota ee Puntland iyo weliba baaq ay dhowaan soo saareen qaar kamid ah isimada iyo waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

11/6/2013 2:06 AM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda ammaanka kaddib markii ay sheegtay inay soo baxeen warar sheegaya in Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ay qorsheynayso in weerarro argagaxiso ay ka geysato dalkeeda.

11/6/2013 1:44 AM EST
Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo xalay casho sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada ergada ka qaybgalaysa shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay inay nabad iyo maamul wanaag ka hirgasho dhammaan gobollada Soomaaliya.