4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
PROF. JAWAARI: “Soomaaliya laguma xallin karo dagaal iyo Awood, Laakiin waxaa lagu xallin karaa Wadahadal iyo Nabad”

Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in Soomaaliya aan lagu xallin karin xilligan dagaal iyo awood, balse lagu xallin karo wadahadal.

Prof. Jawaari ayaa hadalkan ka sheegay xaflad Muqdisho loogu sameeyay ergooyinka Jubbooyinka, isagoo ergooyinka kula dardaarmay inay mar walba ka shaqeeyaan sidii ay isugu soo jiidi lahaayeen dadka ay colaaduhu ka dhex-jiraan.

“Maanta Soomaaliya colaad iyo awood laguma xallin karo, balse waxaa lagu xallin karaa wadahadal iyo nabad. Walaalayaal waxaa la idinka doonayaan in aad ku dadaashaan nabadda iyo isku soo jiididda dadka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay inaan la muujin xilliyada wadahadallada ay socdaan iyo marka heshiiska laga gaaraba qofka guuleystay iyo midka laga guuleystay, taasoo uu sheegay in ay dib u hurin karto colaad.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay inay Alle ka baryayaan in Soomaalida uu isku soo dumo, sidoo kalena nabad iyo walaalnimo waarta uu dhex-dhigo.

Dhanka kale, ra’iisul wasaarha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheeagy inay rajo wanaagsan ka qabaan in xal laga gaaro dhammaan khilaafaadyada dalka ka jira.

Saacid ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay rajo wanaagsan ka qabaan in dalka oo dhan lagu soo dabaalo nabad, wuxuuna si gaar ah u xusay inay rajeynayaan in mamulka Jubba uu isku bedeli doono maamul goboleed.

Ergooyinka ka socda Jubbooyinka ayaa laba habeen oo is-xiga waxaa xaflado soo dhaweyn ah u sameeyay maamulka gobolka Banaadiri yo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu wado in caawa uu xaflad taas la mid ah u sameeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya