4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo baaq u dirtay Musharraxiinta u taagan Madaxtinimada Maamul Goboleedka Puntland

Arbaco, November 06, 2013 (HOL) —Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadashay arrimo badan oo khuseeya doorashada soo socota ee Puntland iyo weliba baaq ay dhowaan soo saareen qaar kamid ah isimada iyo waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Xildhibaanadda ayaa ugu horeyn ugu baaqday shacabka Puntland in ay midnimadooda sii xoojiyaan, si ay tusaale fiican ugu noqdaan maamul goboleedyada kale ee dalka ka sameysmay iy weliba kuwa dib laga dhisi doono.

Iyadoo si gaar ah ula hadlaysay musharraxiinta u taagan xilka madaxtinimada ee Puntland, waxay Xildhibaanad Saado ugu baaqday siyaasiyiinta u tartami doona madaxtinimada Puntland in ay sharciga dhowraan, islamarkaana ay ka fogaadaan wax walba oo nabad gelyada wax u dhimi kara.

" Musharraxiinta waxan ugu baaqayaa in aysan ku kicin wax sharciga ka baxsan...haddii ay ilaalo gaar ah rabaan dowladda hala soo xiriireen, codsi ha u soo gudbisteen...yeysan xaaladdu  fawdo noqon..." Xildhibaan Saado Cali Warsame ayaa tiri.

Dhinaca kale, xildhibaanad Saado waxay ka hadashay baaq ay dhowaan si wadajir ah usoo saareen qaar kamid ah isimada iyo waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo sheegay in deegaannadaasi aanay ka tirsaneyn Puntland, sidaas darteedna aysan jiri doonin xildhibaano gobolladaas ka socda, oo kamid noqon doono baarlamaanka cusub ee Puntland.

Saado Cali ayaa sheegtay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, ayna faafhiyeen dad dano siyaasadeed kaleh oo dhaqaale kusoo qaatay [waa sida ay hadalka u dhigtaye], waxa kale oo ay "waxba kama jiraan" ku tilmaantay maamulka Khaatumo ee lagu dhisay degmada Taleex bishii Janaayo sanadkii 2012.

" Warkaasi ma ahan mid saxan, waa mid ay dad dano gaar ahi lihi faafiyeen...wax Khaatumo la yiraahdo ma jirto...anigu waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaan ka tirsanahay mana qabo sidaas..."

Hadalka Xildhibaan Saado Cali Warsame wuxuu imaanayaa xilli Puntland uu ka jiro loollan siyaasadeed oo xooggan, islamarkaana ay gabagabo ku dhowdahay howsha xulista xildhibaanada kamid noqon doona baarlamaaka cusub ee Puntland.

Baarlamaanka cusub ayaa marka la dhaariyo dooran doona guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland marka la gaaro horraanta bisha Jaanyo ee sanadka soo socda ee 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya