4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
RA’IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA: “Xukuumadda aan soo dhisayo waxay ka koobnaan doontaa 23 Wasiir iyo in la mid ah”


Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in golaha wasiirrada ee uu soo dhisi doono ay ka koobnaan doonaan 23 wasiir iyo wax la mid ah, isagoo xusay in dhawaan uu ku dhawaaqi doono golahaas cusub.

Mudane Saacid oo wareysi siinayay Telefishinka Universal ayaa sheegay in kordhinta tirada wasiirrada ay tahay mid la doonayo in howlaha xukuumadda lagu ballaariyo, isagoo sheegay in tani ay tahay isbedelka ay ku doonayaan inay isku ballaariyaan.

“Golaha wasiirrada aan soo dhisayo waxay noqon doonaan 23 wasaaradood iyo in la mid ah. Maalintii aan soo magacaabayay 10-ka wasiir xaalad ayaa jirtay, maalintaas sax bay ahayd in Soomaalida la simo, in dumar ay helaan xaqooda sax bay ahayd, balse maanta xaalad taas ka duwan ayaa jirta,” ayuu yiri ra’iisul waasaraha.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in sababta ay xukuumadda u ballaarinayaan ay tahay inay horyaallaan howlo fara badan oo ay qayb ka yihiin dib u dhis dalka lagu sameeyo saddexda sano ee howsha uga hartay iyo in Soomaaliya oo dhan nabad laga dhigo.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay musuq-maasuq la sheegay inuu jiro sida in lacago laga baxay bankiga dhexe, ayaa sheegay in taasi ay tahay mid aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya aysan wax musuqmaasuq ah lug ku lahayn.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab ayuu ku jawaabay inay dhul badan ka qabsadeen ayna hadda ku talo-jiraan inay kala wareegaan guud ahaan goobaha ay hadda kaga sugan yihiin Soomaaliya oo dhan.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha oo ka jawaabayay su’aal ahayd xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhexeysa madaxda kale ee dowladda ayaa sheegay inay ka dhexeyso wada-shaqeyn wanaagsan, uuna rajeynayo in wada-shaqeyntooda ay socoto illaa sannadkan 2006-da.

“Madaxdii dowladihii hore inkastoo wax badan ay qabteen haddana waxay maareyn kari waayeen tafaraaruqa, balse innaga waxaan kaga duwannahay inaan maareynay tafaraaruq soo dhexgala hay’adaha sare ee dowladda, waxaana rajeynaynaa in si wadajir ah aan ku gaarno sannadka 2016-ka oo ay ku eg-tahay xilliga ay dowladdu shaqeynayso,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib u dhis ay ku sameyn doonaan guud ahaan ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in taasi ay qayb ka tahay sidii ay ugu guuleysan lahaayeen inay sugaan ammaanka dalka oo dhan.

Waa markii ugu horreysay oo ra'iisul wasaaraha Soonmaaliya uu si cad u sheego tirada xubanaha golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ay noqon doonaan, balse si rasmi ah uguma dhawaaqin xilliga uu ku dhawaaqayo xukuumaddiisa cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya