4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Qaybtii Koowaaad Ergada Maamulka Jubba uga Qayb-galeyso Shirweynaha Muqdisho oo ka duushay Garoonka Kismaayo

Sabti, November 02, 2013(HOL) :- Qeybtii 1-aad ee ergadii maamulka Jubba uga qeygeli lahayd shirka looga hadlayo arimaha Jubooyinka ee la filayo in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa maanta gelinkii hore ka dhooftay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ergadan oo isugu jirtay, siyaasiyiinta, Odoyaal dhaqameed iyo waxgarad kale ayaa ka dhooftay garoonka Kismaayo, iyadoo qeybta labaad ee ergada oo uu ku jiro hogaamiyaha maamulka Jubba la filayaa in ay iyaguna u duulaan dhanka Muqdisho saacadaha fooda nagu soo hayo.

Hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe iyo xubno ku wehlin doona safarkiisa ayaa imika ku sugan garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana la filayaa in goordhow ay u ambabaxaan dhanka magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furmo maanta gelinka danbe, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona mudo sedex maalmood ayaa la filayaa in ay heshiis ku kala saxiixdaan beelaha dega Jubooyinka islamarkaana ay uga tashadaan aayahoooda. wejiga labaad ee shirka ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.