4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Kulan lagu Cambaareeyay Dilkii Muqdisho loogu Geystay Wariye Maxamed Tima-Cadde oo Magaalada London lagu qabtay (SAWIRRO)


Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Kulan balaaran oo ka dhacay Savana Restaurant oo ku taalla galbeedka magaalada London oo ay ka qaybgaleen bahda saxaafadda, ururrada bulshada, haween iyo marti-sharaf kale oo fara badan ayaa lagu cambaareeyay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo ka tirsanaa Universal TV.

Kulanka oo aayado Qur’aan ah lagu furay ayaa looga sheekeeyay tariikhdii  wariye Tima-Cade iyo doorkii uu ku lahaa bulshada Soomaaliyeed, waxaa kaloo aad looga warramay dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliya ka howlgala, gaar ahaa magaalada Mogdisho.

Xubnihii kulanka kasoo qaybgalay ayaa  si wadajir ah u cambaareeyay dilkii wariye Tima-cadde iyo dhibaatooyinka suxufiyiinta lagu hayo, iyagoo baaq ay soo saareen ku sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay xil iska saarto wax ka qabashada kuwa dhibaatada ku haya suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa lasoo jeediyay in la mideeyo wariyayaasha gudaha iyo dibadda ka howgala, lana abuuro dallad ay ku midoobaan si wax looga qabto dhibaatada jira.

Mid ka mid ah wariyeyaasha kulanka ka hadlay ayaa muujiyay talana u soo jeediyay wariyayaasha isagoo xusay inay hubiyaan warka inta aysan baahin ka hor, iskana ilaaliyaan inay gudbiyaan warar keenaya dhibaato bulshada dhexdeeda ah, inay ku dadaalaan inay soo gudbiyaan warar dhex-dhexaad ah oo run ku saleysan, isagoo ugu dambeyn carabka ku adkeeyay in wararka la tayeeyo aadna looga fiirsado.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in kulankani yahay kulankii ugu balaarnaa ee noociisa oo kale ah ee warbaahintu ay isugu timaado, iyadoo lasoo jeediyay in kulammada noocan oo kale ah la joogteeyo.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomnaaliyeed ee UK, Maxamed Cali Atoore oo isna kulanka goobjoog ka ahaa ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay wariye Tima-Cadde, wuxuuna aad ugu dheeraaday dhibaatada wariyeyaasha lagula koco oo ah dhibaato aad u balaaran oo ay tahay in laga hortago, isagoo hoosta ka xariiqay inay gacan ka geysanayaan sidii loo sameyn lahaa urur ay leeyihiin wariyeyaasha Soomaaliyeed ee dalka Britain ku sugan.

Madasha oo ay dad kala duwan ka hadleen ayaa waxay dhamaantood aad uga murugaysnaayeen sida xun ee wariyeyaasha loogu laynayo Soomaaliya iyo in tageero loo muujiyo sidii looga hor tagi lahaa, waxaa kaloo madasha lagu ururiyay lacag gaaraysa 5000 oo doollarka Mareykanka ah taasoo lagu taageerayo xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay wariye Tima-Cadde.

Ugu dambeyn, waxaa loo mahadceliyay dhammaan saxaafadda Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, iyadoo lagu dhiirrigeliyay inay hawsha ay hayaan sii laban-labaan. Waxaa kaloo loo duceeyay wariye Tima-cadde oo Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac ay 22-kii bishii hore u geysteen kooxo hubeysan.

Hamse Axmed
[email protected]
London, Britain