4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Shirkii dib u Heshiisiinta Gobollada Jubbooyinka ee lagu Waday inuu Maanta ka furmo Muqdisho oo mar kale dib u dhacay

Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo lagu waday inuu maanta gellinka dambe ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid mar kale, kaddib markii la sheegay inaysan ergooyinkii shirkaas ka qaybgeli lahayd qaarkood aysan soo gaarin Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka uu furmi doono maalinta berri ah, isagoo xusay in ergooyinkii shirka ka qaybgeli lahaa ay qaarkood maanta soo gaareen Muqdisho.

Shirkan ayaa wuxuu qayb ka yahay qodobbadii lagu gaaray heshiiskii Addis Ababa ay ku gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbooyinka bishii Ogoosto ee sannadkan, waxaana shirkan ka qaybgeli doona ergooyin aad u fara badan oo ka imaanaya gobollada Jubbooyinka.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in xubnaha ka qaybgalaya shirka ay ka mid yihiin xubno madaxweynenimo sheegtay oo Axmed Madoobe kula dagaalamay magaalada Kismaayo, kuwaasoo uu ka mid yahay Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Dib u dhaca ku yimid shirkan ayaa wuxuu noqonayaa markii saddexaad tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday bishii September inay ku qabanayso Muqdisho shir dib u heshiisiineed oo ay ka qaybgalayan dhamaan dadweynaha Jubbooyinka.

Qodobbada shirkan looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah sidii loogu dajin lahaa qariidad uu maamulka KMG ah ee Jubba ku shaqeynayo labada sano ee uu maamulku hayo.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu berri furmo iyadoo ay ka qaybgeli doonaan xubno ka socda beesha caalamka, waxaana furi doona madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya