3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Dagaal ka dhacay Degmada Luuq iyo Nin Hubeysan oo Shan qof oo Qoys ka soo wada-jeeday ku dilay duleedka Daynuunaay

Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay iskahorimaad maanta ku dhexmaray degmada Luuq ee gobolka Gedo laba ciidan oo kala taageersan maamullada Jubba iyo maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo lagu wado in lagu dhiso shir ka socda Baydhabo.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa muddo kooban ka socday gudaha Luuq iyadoo dadka ku dhintay ay ku jiray haweeney rayid ah oo ka tisran dadka degmadaas ku nool.

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ayaa sheegaya in ciidanka dagaalamay ay wadaan hub urursi xooggan, iyadoo kala qayb-sanaanta ciidamadan soo dhex-gashay ay kusoo beegmayso xilli lagu wado in Muqdisho uu ka furmo shir looga hadlayo sidii ajande loogu dajin lahaa maamulka KMG ah ee Jubba.

Sidoo kale, nin hubeysan ayaa shan qof oo kasoo hal qoys oo ay ku jiraan laba caruur ah ku dilay deegaan ku yaalla deegaanka Daynuunaay ee ka tirsan goblka Bay, iyadoo ninka dilka geystayna uu goobta isaga baxsaday.

Lama oga sababta keenay in ninkan uu laayo dadkan shacabka ah, waxaana ku raad-jooga sidii ninkaas loosoo qaban laha dadka deegaankaas ku nool iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo Baydhabo ka tagay.

Ma ahan falkan kii ugu horreeyay oo ka dhaca goblka Bay, balse dhowr jeer oo hore ayay falal noocan oo kale ah ka dhaceen, kuwaasoo ku saleysan arrimo qoys.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
11/2/2013 1:43 PM EST
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in golaha wasiirrada ee uu soo dhisi doono ay ka koobnaan doonaan 23 wasiir iyo wax la mid ah, isagoo xusay in dhawaan uu ku dhawaaqi doono golahaas cusub.

11/2/2013 1:42 PM EST
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Maayarka magaalada Hargeysa, mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Magaada qadiimiga ah ee Turku ee Finland oo dalka booqasho ku yimid.

11/2/2013 10:36 AM EST
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo lagu waday inuu maanta gellinka dambe ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid mar kale, kaddib markii la sheegay inaysan ergooyinkii shirkaas ka qaybgeli lahayd qaarkood aysan soo gaarin Muqdisho.

11/2/2013 8:06 AM EST
Sabti, November 02, 2013(HOL) :- Qeybtii 1-aad ee ergadii maamulka Juba uga qeygeli lahayd shirka looga hadlayo arimaha Jubooyinka ee ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa maanta gelinkii hore ka dhooftay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

11/2/2013 7:44 AM EST
Sabti, November, 02, 2013 (HOL) – Howlgalka oo ay wada jir u fulinayaan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay laga fuliyay qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/2/2013 6:13 AM EST
Labo nin oo xoolo-dhaqato ah ayaa waxaa weeraray dhurwaayo xilli ay isku dayayeen inay ka dhacsadaan xoolahooda oo markii hore ay dhurwaayadu soo weeraraan baadiyaha degmada Ijara oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya.

11/2/2013 2:21 AM EST
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Kulan balaaran oo ka dhacay Savana Restaurant oo ku taalla galbeedka magaalada London oo ay ka qaybgaleen bahda saxaafadda, ururrada bulshada, haween iyo marti-sharaf kale oo fara badan ayaa lagu cambaareeyay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo ka tirsanaa Universal TV.

11/2/2013 1:56 AM EST
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii uu kusoo dumay darbi ay hoos-fadhiyeen gellinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd.

11/2/2013 1:49 AM EST
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan in saddexda sano ee soo socta la dhiso ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh.

11/2/2013 1:38 AM EST
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib dagaal beeleed shalay gellinkii dambe ka dhacay bariga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

11/2/2013 1:33 AM EST
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa inuu maanta gellinka dambe ka furmo xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, kaasoo la sheegay in looga hadlayo sidii dhismaha maamulka KMG ah ee Jubba loo dhameystiri lahaa.