4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Maayarka Magaalada Hargeysa oo Xafiiskiisa Qaabilay Wafti uu horkacayay Maayarka Magaaladda Turku ee dalka Finland

Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Maayarka magaalada Hargeysa, mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Magaada qadiimiga ah ee Turku ee Finland oo dalka booqasho ku yimid.

Waftigan reer Finland oo ka kooban saddex xubnood, ayaa booqan doono qaar kamid ah degmooyinka Somaliland, isla markaana xidhiidh wada shaqayn la yeelan doona goleyaasha Deegaanka ee Somaliland.

"Maanta waxa xafiiskayaga ku qaabilnay wefti ka socda wadanka Finland oo ah saddex xubnood, oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha deegaanka,  Ahna maayarka magaaladda  Turku oo  ah magaalo qadiimo ah oo hore u ahaan jirtay caasimadda finland, waa magaalo sideed boqol oo sano ka hor la dhisay, waxaanay sanadkii 2012 noqotay magaaladda dhaqanka ee wadamadda Yurub”ayuu yidhi maayarka Hargeysa oo ka hadlayey weftiga u yimid.

Maayarka ayaa sheegay inay sadexdan xubnood kala yihiin maayarka magaaladda Turku, Seppo Lehtinen, Roodda Xasan oo xubin ka ahaa golaha deegaanka magaaladaasi, horena u ahayd  ku xigeenka maayarka oo ah gabadh reer Somaliland ah iyo Tanja Remes oo ah haweenay ka tirsan xisbiga Green Party oo u qaabilsan midowga yurub iyo arrimaha caalamiga ah.

“Waa markii ugu horeeyey oo uu inoo yimaado maayar ka socda wadamada Yurub wax badana waanu ka wada hadalnay, waxayna gacan naga siin doonaan sida qashinka loo maamulo iyo biyaha ”ayuu hadalkiisa raaciyey, isagoo intaas ku daray “ waxay noo balanqaadeen inay wadankeena bari doonaan aduunka”

Maayarka magaaladda Turku ee Finland Md:Seppo Lehtinen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay soo booqdaan Somaliland, isla markaana xidhiidh wanaagsan dhex maro, isagoo Maayarkana ku booriyey inuu Samir, dadaal iyo waxqabad la yimaaddo si uu labaatan sanno uu maayar u noqdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland