4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Shirweynaha dib u heshiisiinta Gobollada Jubbooyinka oo la filayo in maanta gellinka dambe uu ka furmo Magaalada Muqdisho

Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa inuu maanta gellinka dambe ka furmo xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, kaasoo la sheegay in looga hadlayo sidii dhismaha maamulka KMG ah ee Jubba loo dhameystiri lahaa.

Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay ergooyin caalamka ka kala imaanaya, iyadoo uu furi doono madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Iyadoo la sheegay in shirkan uu qayb ka yahay heshiis ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya bishii Ogoosto ee sannadkan.

Ergooyinka shirkan ka qaybgalaya ayaa la filayaa in intooda badan maanta laga keeno gobollada Jubbooyinka, iyadoo qodobbada shirkan looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii loo dajin lahaa qariidad ku saleysan howsha uu qaban doono maamulka KMG ah ee Jubba labada sano ee soo socota.

“Qodobbada shirkan diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah horumarinta iyo nabadeynta gobollada Jubbooyinka,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow oo ah afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilligan kaddib markii uu madaxweynuhu tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kula soo kulmay hoggaamiyaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe oo horay u diidanaa ka qaybgalka shirkan.

Bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayaa lagu waday inuu shirkan furmo, balse mad-madow soo dhexgalay dowladda iyo maamulka Jubba ayaa dib u dhaca ku keenay, taasoo uu madaxweynuhu sheegay in xal waara laga gaaray.

Shirkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo loo qabto shacabka ku nool Jubbooyinka, iyadoo laga doonayo ergooyinka inay ka hadlaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka iyo nabadeynta gobolladooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya