4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Dhurwaayo Dhaawacyo Halis ah ku Gaarsiiyay labo Nin oo xoolo-dhaqato ah Degmada Ijaara ee Gobolka Waqooyi-Bari

hyena-man.jpg
Sabti, November 02, 2013 (HOL) - Labo nin oo xoolo-dhaqato ah ayaa waxaa weeraray dhurwaayo xilli ay isku dayayeen inay ka dhacsadaan xoolahooda oo markii hore ay dhurwaayadu soo weeraraan baadiyaha degmada Ijara oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya.

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay maalin cad iyadoo aan looga baran duur joogta hilbaha cunta inay weerar soo qaadaan xilliyada maalinkii ah taasoo ka fajicisay dadka deegaanka.

Labada nin oo la sheegay in dagaal cabbaar socday ay la galeen dhurwaayada ayaa dhaawacyo halis ah soo gaareen iyadoo lagu daawaynayo isbitaalka degmada Ijara oo u dhow magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari.

Madaxa ilaalada duur joogta gobolka waqooyi bari Juma Bakari  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaan ay ku samayn doonaan sababta keentay in dhurwaayadu ay weerar soo qaadaan maalin cad isagoo sheegay inay uga shakisanyihiin dhurwaayada inay xanuunsanyihiin amaba ay isticmaaleen hilib sumaysan taasoo keeni karta in miyirku ku lumay.

Sannadkaan gudihiisa ayaa hay’ada u qaabilsan dawlada Kenya ilaalada duurjoogta ay sheegtay inay sare u kaceen weerarada ay xayawaanku ku soo qaadayaan aadamaha taasoo ay ku sheegeen inay ka dhalatay tartan loogu jiro deegaanka oo xayawaanka qaarkood ay dareemeen culays kaga imaanaya bini'aadamka.

56 qof ayaa tiradooda lagu qiyaasay dadka ku dhintay Kenya weerarada ay qaadayaan xayawaanka duurjoogtu sannadkaan kaliya iyadoo dhaawacyaduna ay intaa kasii badanyihiin taasoo tiradii ugu badnayd ee ku dhimata hal sano gudaheed weerarada ay durjoogtu ku qaadayaan dadka ka agdhow goobaha ay ku ugaarsadaan amaba ay ilmahoodu ka dhowyihiin.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya