4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Shan qof oo ku Geeriyooday Deegaanka Shalaanbood iyo gaari ay leedahay AMISOM oo lagu qarxiyay Degmada Marko

Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii uu kusoo dumay darbi ay hoos-fadhiyeen gellinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd.

Guddoomiyaha degmada Marko, Maxamed Cismaan Yariisow oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in shantan qof ay ahaayeen dad waaweyn uuna si lama filaan ah darbigu ugu soo dumay, xilli ay harsanayeen.

“Shan qof ayaa ku dhintay deegaanka Shalaabood, waxaana kusoo dumay darbi ay hoostiisa fadhiyeen. Allaha u naxariisto, sidoo kale waxaa dhaawac uu kasoo gaaray hal qof oo haweeney ah, taasoo dhaawaceeda loo qaaday Muqdisho,” ayuu yiri Yariisow.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in mid ka mid ah dhacdadaas ku dhintay loo qaaday magaalada Muqdisho oo ay waalidkiis joogeen, halka intii kalena isla shalay lagu aasay deegaanka Shalaanbood.

Yariisow ayaa dhanka kale sheegay in gaari booyad ah ay lahaayeen ciidanka AMISOM lagu qarxiyay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, uuna dhaawac soo gaaray askarigii gaarigaas waday oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

“Gaari booyad ah oo ay lahaayeen ciidamada AMISOM ayaa lagu qarxiyay degmada Marko, gabi ahaan gaarigii waa burburay, askarigii wadayna waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Marko.

Ma sheegin cid weerarkaas loo qabtay, balse wuxuu xusay in weerarradan oo kale ay yihiin kuwa ay Al-shabaab ka geystaan degmooyinka gobolka, ayna baaritaanno ku sameynayaan kooxihii fuliyay weerarkaas.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa deegaannada ay dowladdu kaga sugan tahay waxaa ka dhaca falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag taabacsan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya