4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Somalia oo yeelanaysa Lacag cusub oo ka duwan midda hadda la isticmaalo si ay uga baxdo Ciriiriga dhaqaale ee haysta

Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay yeelato lacag ka duwan midda hadda la isticmaalo si ay uga baxdo ciriiriga dhaqaale haysta, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ha’yadda lacagta adduunka ee IMF oo ka mid ahaa saraakiil Nairobi kula kulmay mas’uuliyiin Soomaali ah.

Sarkaalkan IMF-ta u hadlay ayaa sheegay in lagu wado in Soomaaliya ay yeelato lacag ka duwan midda hadda si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka oo gaabis ku jira. Isagoo xusay in saraakiisha Soomaalida iyo kuwa IMF-ta ay arrintaas kaga hadleen kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi Isniintii lasoo dhaafay oo bisha Juun ay ahayd 24-ka.

Qorshahan ayuu sheegay sarkaalku inay aqbaleen mas’uuliyiintii Somalida ahaa ee ay Nairobi kula kulmeen, isagoo xusay tani ay suuro-gelin karto in Soomaaliya ay ka baxdo dhaqaale yarida haysata, maadaama uu dalku ka baxayo 22-sano oo colaado sokeeye ah.

“Mas’uuliyiinta dowladdu way soo dhaweeyeen qorshahan, isagoo xusay inay muujiyeen in tani ay qayb weyn ka qaadanayso in dalka uu ka baxo ciriiriga dhaqaale uu ku jiro, sidoo kalena la sugo ammaanka guud ee dalka,” ayuu  yiri sarkaalka u hadlay IMF-ta.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay mid ku tiirsan kalluumeysiga, beeraha iyo xoolaha nool, balse qorshuhu yahay in la sameeyo ilo kale oo dhaqaalaha dalka kobcin kara.

Xubnihii IMF-ta ayaa sheegay inay guddi soo qiimeeya habka iyo qaabka loo sameyn karo lacag cusub oo uu dalku yeesho ay u diri doonto Soomaaliya, maadaama dalka oo ka baxaya colaado ay lagama maarmaan tahay inuu ka baxo dhibaatooyinka dhaqaale.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ay soo saartay IMF ayaa lagu sheegay inay ka caawin doonaan Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda iyo sidoo kale bankiga dhexe habka loo dajiyo miisaaniyadaha iyo kormeerayaal hoos ula socda sida dhaqaalaha loo isticmaalayo. Sidoo kalena ay IMF-tu ay ka caawin doono dowladda Soomaaliya sameynta hab lagu ogaanayo halka ay ku baxeen dhaqaalaha dadka loogu adeegayo.

Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ahayd hay’adda lacagta adduunka ee IMF tan iyo sannadkii 1962-kii, inkastoo 22-kii sano ee ay colaaduhu jireen ay ka maqnayd booskeeda, iyadoo tan iyo xilligaas aan bixin daymihii lagu lahaa oo gaaraya 353-milyan oo doollar.

Balse 12-kii Abriil ee sannadkan ayaa hay’adda IMF-tu waxay ogolaatay inay Soomaaliya dib ugu laabato xubinnimadii hay’addan, maadaama Soomaaliya ay ka dhalatay dowlad joogto ah bishii September ee sannadkii hore markaa oo la doortay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya