4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
MADAXWEYNE XASAN: “Waxaan Diyaar u nahay inaan Sameyno Wax Walba oo Tanaasul oo Midnimadii Soomaaliya lagu heli karo”


Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay Somaliland u sameynayaan wax walba oo la awoodi karo oo tanaasul ah si loo helo Soomaaliya oo mid ah, kaddib hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay 26-ka Juun oo xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay inay tahay in wax walba oo dhibaato oo dhacay la ogolaado in mas’uuliyadeedda ay Soomaalidu leedahay, balse aan dhinac keliya lagu xaglin, isagoo Somailland ka dalbaday inay muujiyaan dabacsanaa looga wada-shaqeeyo si aanay dib ugu soo laaban wixii horay u dhacay.

“Waxaan diyaar u nahay inaan la imaanno wax idinka dhaqa oo idnka daaweeyaa waxaad tabanaysaan. Waxaan doonaynaa in idinkuna aad noo dabacsanaataan oo wixii shalay dhacay sidii aanay u soo noqon lahayn aan uga shaqeynno,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay khudbad uu jeediyay.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in wadahadallada u socda Soomaaliya io Somaliland ay sii wadi doonaan, isagoo sheegay inay ka shaqeynayaan sidii wadahadalladaas ay u noqon lahaayeen kuwo miro-dhal ah.

“Wadahadalka billowday waan sii dhiirigeynaynaa waan sii wadaynaa inta ugu badan ee suuro-galka ah ee tanasul la sameyn karana diyaar ayaan u nahay inaan sameynno si Soomaaliya oo mid ah loo helo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in sidoo kale ay dhankooda ka go’an tahay inay sameeyaan wax kasta oo tanaasul ah si xanuunkii horay u dhacay ee murugada lahaa loo daweeyo, Soomaaliyana dib loogu soo celiyo midnimadeedii.

Ra’iisul wasaaraha oo isaguna hadlay ayaa sheegay in midniada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, balse ay ogol yihiin inay sameeyaan wax kasta oo keeni kara in la deeyo dhibaatada laga tabanayo dhankooda.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo isaguna dhankiisa ka hadlay wadahadlalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ku taliyay in wadahadallada billowga ah laga ilaaliyo wax walba oo xanaf ku keeni kara, isagoo xusay in sidoo kale la waafajiyo dastuurka dalka u dagsan.

Madaxda Somaliland oo 20-sano ka hor sheegay inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaan weli ka hadlin hadallada madaxda dowladda Somalia ee ay ka jeediyeen xuska 53-guuradii kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taaggo ciidda Soomaaliya, xilligaas oo ahayd 26-kii Juun 1960-kii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya