4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Dagaal u dhexeeya Kooxo Hubeysan oo ka Qarxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Goboleedka Jubbada Hoose

Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Dagaal culus ayaa goor-dhow ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyin magaalada kuwada sugan, iyadoo ay xirmeen guud ahaan isku socodkii magaalada iyo ganacsigii.

Maleeshiyinka dagaalamaya ayaa wuxuu dagaalkoodu ka billowday gaari saakay lagu dhacay magaalada gudaheeda, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa HOL u sheegay in dagaalku uu ka qarxay xaruntii hore Kismaayo oo ku taalla xaafadda Farjanno ee bartamaha magaalada, uuna ku faafayo qaybo kale oo magaalada ka tirsan.

“Kismaayo waxaa ka billowday dagaal culus oo u dhexeeya kooxo maleeshiyo ah oo kuwada sugan magaalada, ganacsiga oo dhan waa xirmay, isku socodka dadka iyo gaadiidkana way joogadeen, madaafiic ayaana dhacaysa,” ayuu HOL u sheegay goobjooge ku sugan Kismaayo.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu dagaalkan dhaliyay iyadoo dadka ku sugan magaalada ay sheegayaan in marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo.

Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan saldhigyadoda, mana jiraan wax waan-waan ah oo lagu qaboojinayo dagaalkan oo ka socda magaalada, dadkuna waxay ku sugan yihiin guryahooda.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa tan iyo markii uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba xubnood oo isku haysta xilka madaxweynenimo ee Jubaland waxaa ka jiray xiisado, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacayeen dagaallo noocan oo kale ah.

Wixii kusoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe ee soo socda haddii uu Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya