4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Wasiirka Difaaca Somalia oo ka qeyb-galay daawashada gabagabada tartan Kubadda Cagta ee ka socday Baladweyne (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Wafdiga uu horkacayo wasiirrka difaaca xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max'uud Fiqi, safiirka dowladda Jabuuti, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay ka wada qeyb-gallay daawashada gabadbada tartanka kubada cagta oo maalmihii ugu danbeeyay ka soconayay magaalada Baladweyne.

Ka hor inta aysan cayaartu bilaabay waxaa kubada isku baasay oo si wada jir ah u daah furay wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max'uud Fiqi iyo safiirka dowladda Jabuuti Dayib Dubad Rooble, taaasoo aheyd arin siweyn u dhiiri-galisay labada kooxood ee Howl-waag A iyo Kooshin B oo isku farasaaray kulankii shalay.

Cayaarta oo aheyd mid aad u xiiso badneyd islamarkaana ay ka soo qeyb-galleen taageerayaashii ugu tirada badnaa, ayaa waqtigii loogu talagalay waxaa ay ku soo dhamaatay 3-2 oo ay guusha ku raacday kooxda Howl-wadaag A, inkastoo cayaartooyda Kooshin B ay siweyn u dadaaleen.

Koobka tartanka oo ahaa mid uu dhigay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geele ayaa la sheegay in ujeedada ka danbeysa tahay sidii sare loogu qaadi lahaa mooralka iyo niyada kooxaha kubada cagta ah ee ka dhisan magaalada Baladweyne, dhinaca kalana fursad u noqon karta is dhax-gal dhinaca bulshada ah si loogu dhiiri-galiyo nabada.

Mas'uuliyiintii dowladda ee ka qeyb-gashay daawasha cayaarta ayaa sheegay in ay siweyn ula dhaceen xirfadaha sare oo ay soo bandhigeen labada kooxood oo ay ka dhax muuqdeen cayaartooy mustaqbal wanaagsan ku dhax yeelan kara cayaarta kubada cagta haddii ay helaan  fursadaha ay u baahan yihiin sida tababaro dheeraad ah oo la siiyo.

Maalinta bari ah oo ay ku beegan tahay 27 bishan Juun oo loo ballansan yahay qabashada munaasabad ballaaran oo loogu dabaal -dagayo maalinta xorriyada Jabuuti, ayaa dhinaca kalana la filayo in abaal-marino lagu gudoonsiiyo kooxihii ka qeyb-gallay tartanka iyo cayaartooydii ka qeyb-gashay tartanka mudadii uu socday.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne Soomaaliya