4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Ciyaaro lagu Xusayo Maalmaha Xorriyadda Dalka Soomaaliya oo ka Furmay Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka (SAWIRRO)


Talaado, Juun 26, 2013 (HOL) — Marka la gaaro dabayaaqada bisha Juun ee sanad walba waxaa lagu qabtaa Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay Soomaali fara badan deggen yihiin tartammo isboorti oo lagu xusayo maalmaha xoriyada Soomaaliyeed.

Shalay oo ay bisha Juun ku beegmayd 25 ayaa abbaare 4:30 galabnimo gudoomiyaha isboortiga Soomaaalida ee gobolka Minnesota Cabdi Cali ku dhawaaqay in ciyaarahii sanadkan 2013 ay furan yihiin, sacab kaddib waxuu guddoomiyahu dhallinyaradda uga sheekeeyay halgankii loosoo maray xorriyadda la haysto xilli laga joogo 53-sano ,

Qiimaha isboortigu uu ka lahaa dalkii hooyo ayaa waxaa dhallinyaradii halkaas isugu timid uga sheekeeyay macallin Ibrahim Suudaani oo ahaa tababarahii kooxda Horseed & xulka Qaranka Soomaaliya, waxuuna sheegay in isboortigu uu dhallinyarada ka ilaaliyo caadooyinka xun-xun, sida balwadda.

C/raxmaan Guuleed Cawaale (AMAAN) oo ka mida qabanqaabiyaasha ciyaarahan oo u waramay HOL ayaa sheegay in sannadkan uu yahay sannadkii 10-aad ee ay ciyaarhan qabtaan, isagoo tilmaamay in Alle mahaddii ay tahay haddii dhallinyaradda Soomaaliyeed u sameenayno meel ay isku bartaan, kuna walaaloobaan.

Mar aan weydiinnay gobollada ay ka kala yimaadeen ciyaartooyda ka qaybgalaya ciyaarahan ayaa wuxuu sheegay in tartankan ay ka qayb-galayaan 16-kooxood oo 11 ka mida ay daggan yihiin gobolka Minnesota, labana ay ka yimaadeen gobolka OHIO, saddexda kooxood ee kalena ay ka kala yimaadeen Boston, Chicago iyo Dallas.

Ciyaartii ugu horreysay oo xiiso badnayd ayaa dhex-martay kooxaha Faynuus FC & Communality, ciyaarta oo ahayd mid farsamo sare ka muuqatay ayaa ku dhamaatay laba gool iyo laba gool.

Ugu dambeyn, C/risaaq Marshaale oo ka mid ah guddiga farsamada ee kulankan ciyaaraha ayaa wuxuu sheegay in ciyaarahan ay socon doonaan illaa 03-da bisha Luuliyo ee soo socota.














Siyaad Siciid Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota