4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Shaaciyay in Shirka Brussels uu Muhiimad Gaar ah u leeyahay dib-u-dhiska Somalia oo dhan (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub ayaa sheegay in shirka Brussels lagu qaban doono 16-ka bisha September ee sannadkan 2013 uu muhiimad weyn u leeyahay Soomaaliya.

Kulan uu madaxweynuhu uu la yeeshay wafdi ka socday Midowga Yurub oo ay hoggaaminayeen ergayga ururkaas u qaabilsan Afrika, Nick Westcott iyo Michelle Cervone ayay uga hadleen shirka Brussels ka dhici doona iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii wafdigan hoggaaminayay ayaa waxay sheegeen shirkooda kaddib in shirka magaalada Brussels uu dhici doono 16-ka September 2013, loogana hadli doono sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya qorshaheeda dib-u-dhiska dalka.

“Shirkan Brussels ka dhacaya 16-ka September 2013, waa mid dowladdu ay la hor-tageyso qorsheyaasheeda dib-u-dhiska dalka oo ka tarjumaya baahida dhammaan deegaannada Soomaaliya ka jirta, caalamkuna maanta diyaar ayay u yihiin in lasii xoojiyo guulaha amniga laga gaaray iyo sidoo kale horumarka ka jira Soomaaliya,” ayuu madaxweynuhu ka sheegay shirka jaraa’id.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad ay kaga soo kabanayso dhibaatooyinkii dalku horay u sii maray ayna baahi weyn u qabto kaalmada caalamka, isagoo xusay inuusan jirin dal dhibaatadii soo martay kasoo kaban kara isagoo aan caalamka taageero ka helin.

“Maanta waxaan mareynaa marxalad shacabka iyo dowladuba ay diyaar u yihiin in dalka dib loo dhiso Soomaaliyalana helaan waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada. Waanan uga mahadcelinayaa Midowga Yurub dadaalkooda oo rajo weyn nagu abuuraya,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Ugu danbeyn, madaxweynahu waxuu sheegay in shirka cida ka faa’iideysaa ay yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhan, qorsheyaasha iyo mashaariicda la hor-geynaya ay yihiin kuwo dalka oo dhan ku baahsan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya