4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2013
Ciidammo ka tirsan Maamulka Khaatumo oo ku biiray Ciidamadda Milatariga Somaliland ee ku sugan Gobolka Sanaag

Sabti, July 20, 2013 (HOL) — Madax dhaqameedka deegaanka fiqi Fuliye oo Sagaashan kiiloomitir dhinaca koonfur u jirta Ceerigaabo, ayaa xukuumadda Somaliland ku soo wareejiyey ciidan hore uga tirsanaa Khaatumo, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray ciidanka Milatariga Somaliland.

Ciidamadan oo la sheegay inay ka koobnaayeen shan boqol oo askari, 13 tikniko ah iyo lix  baabuur oo nooca xamuulka ah ayaa ku soo  biiray ciidamada Milatariga Somaliland ee jiidda hore.

Madax dhaqameedka deegaankaasi Fiqi fuliye ee koonfurta Sanaag iyo xukuumadda Somaliland, ayaa heshiish ku gaadhay inay ku soo biiraan Somaliland, isla markaana ciidankii iska soo horjeeday la isku daro si nabadgalyada deegaanka looga shaqeeyo.

“Wadahadal iyo isku soo dhowaansho iyo in la isku caqli celiyo ayaanu wadnay, waxaana heshiish isku afgaranay waxgaradkii iyo madax dhaqameedkiii deegaanka Fiqi Fuliye, halkaasi oo aanu ku heshiinay in laga shaqeeyo nabadgalyada deegaanka”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse oo ka waramayey ciidamadan ku soo biiray, waxaanu intaas ku daray “ Ciidankani waxa uu ka kooban yahay shan boqol oo askari iyo 13 tikniko ah iyo lix baabuur oo xamuul ah, horena waxay ka soo horjeedeen ciidanka Milatariga, imikana waxay isku noqdeen hal ciidan”

“Waxaa xafladan ku sugan garaadkii beesha iyo Taliyihii ciidanka watay Cabdirisaaq Maxamed Faarax  iyo abaanduulihii Maxamed Raage ee ciidankii khaatumo ayey ahaayeen, waa ciidamo xabad iskala soo horjeeday imikana isku dhan ah oo amniga wada ilaashanaya, waxa laga miyirsaday colaadii waxayna ku bedesheen labadda dhinacba nabad”ayuu raaciyey hadalkiisa.

“Xabad-joojin iyo nabadgalo ayaa lagu heshiiyey, waxyaalo kale oo badana waa la isla soo qaaday waxaana lagu heshiiyey in nabadgalyada la adkeeyo, Ciidankuna ka mid noqdo ciidanka Somaliland”ayuu yidhi Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo ku hadlayey afka madax dhaqameedka deegaanka Koonfurta Sanaag.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Taliyihii iyo abaanduulihii ciidanka Khaatumo ee ku soo biiray Somaliland, waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ciidanka Somaliland ee ay ku soo biireen, waxaanay sheegeen inay ka shaqayn doonaan nabadgalyada deegaanka si horumar looga gaadho khilaafaadka deegaanka ka jira.

Shirkan madax dhaqameedka koonfurta Sanaag iyo xukuumadda Somaliland ku heshiiyeen waxa ka soo qaybgalay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali, wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cadami, wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo toosiye, wasiirka Biyaha, wasiirka nabadaynta gobolada bariga Cali Sandulle, wasiir dawlaha xanasnadda xoolaha  iyo wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland