4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2013
Kooxo Hubeysan oo Deegaanka Ceelasha Biyaha ku Dilay Xalay Dhakhtar ka Howlgalayay Isbitaal ku yaalla Deeegankaas

Sabti, July 20, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ku toogtay dakhtar ka mid ahaa dhakhaartiirta Somaaliyeed, xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaadda taraawiixda.

Dr. Cismaan C/raxmaan Macallin Fiqi oo ka mid ahaa dhaqaatiirta ka howl-gelayay isbitaal Fiqi oo ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay dhallinyaro wajiga ay u xirnaayeen oo markiiibta goobta ay ka geysteen dilka ka baxsaday.

“Markii aan kasoo baxnay masjidka ayaa waxaa nasoo weeraray dhalinyaro bastoolado wata oo wajiyadu u qarsoon yihiin, waxayna toogasho ku dileen Allaha u naxariistee, Dr. Cismaan C/raxmaan,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadkii la socday dhakhtarka markii la tooganayay.

Goobjoogaha ayaa sheegay in dhakhtarku uu muddo dalka ku sugnaa uuna ka mid yahay dhakhaatiirta dalka dibaddiisa kasoo laabtay si ay dadkooda ugu shaqeeyaan, iyadoo aan la ogeyn cid ka dambeysay dilkiisa.

Agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi oo adeer u ahaa dhakhtarka ayaa sheegay inaysan jirin wax lug ah oo uu siyaasadda dalka ku lahaa, cid dishayna aysan garanayn.

“Dr. Cismaan ma jirin wax lug ah oo uu siyaasadda dalka ku lahaa, runtiina ma garan karno sababaha loo dilay, balse qaabka loo dilay waa midkii horay looga bartay in Al-shabaab ay dadka wax-tarka leh ku layso,” ayuu Fiqi ku sheegay war uu siiyay warbaahinta Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilka dhakhtarka iyo weliba sababta loo dilay, iyadoo falkan uu qayb ka noqonayo falalka ammaan xumo ee ka jira magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.

Falkan toogashadan ah ayaa wuxuu sidoo kale kusoo beegmayaa iyadoo ay dad badan dib ugu laabteen deegaanka Ceelasha  biyaha oo 17-km dhinaca galbeed kaga began Muqdisho, halkaasoo laga barakacay sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya