4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2013
Dhaqdhaqaaq Ganacsi oo si Xowli ah uga soconaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Sabti, July 20, 2013 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ay xudun ganacsi u tahay islamarkaana isku xirtaa dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira gobolada Koonfurta iyo W/qooyiga dalka Soomaaliya.

Magaalada waxaa ay xiriir ganacsi la leedahay gobolka Bari magaalada Boosaaso iyo magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir oo ay ka soo gallaan noocyo kala duwan oo badeeco ah, taa badalkeeda magaalada waxaa ay badeeco kala duwan u dirrtaa guud ahaan deegaannada Puntland, Mudug, dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gobollada dhexe sida Galguduud, ilaa laga gaaro magaalada Hargeysa ee xarunta u ah u maamulka Soomaaliland.

Shantii sano ugu danbeysay magaalada waxaa ay caan ku aheyd wax soo saarka guud ahaan noocyada kala duwan ee qudaarta, taasoo ka dhigtay magaalada rug ganacsi oo laga daaballo qudaarta loo iibgeeyo deegaannada kale ee Soomaalida, iyadoo qaar ka mid ah ganacsatadu u sheegeen HOL in Basasha ka soo go'da gobolka laga isticmaalo magaalada Hargeysa.

Xilligan oo lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan marka aad dhaxmarto goobaha ganacsiga magaalada  waxaa kuu muuqanaya saxmad iyo mashuul aad u sareeya, gaar ahaan suuqa lagu kala iibsado qudaarta oo aad ku arkeyso ganacsatado isaga kala timid gobollada kale ee dalka si ay halkan {Baladweyne] uga iibsadaan qudaar ay u iibgeeyaan deegaannadii ay ka soo safreen.

Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa magaalada Baladweyne C/llaahi Cali Xassan [Cabeey]  oo ay HOL la hadashay ayaa sharxaad ka bixiyay farqiga u dhaxeeya tusaalle ahaan Qiimaha Qarraha marka  laga iibsanayo suuqa magaalada Baladweyne iyo kan Gaalkacyo isaga oo sheegay''Annaga Qarraha nooca Birimada ah marka  uu halka ganacsadaha ka yimid Gaalkacyo ka iibsanayo Jumlo ahaa xabadii waxaan ka siinaa wax ka yar 10 kun oo shilin Soomaali ah oo ah ka ka yar  [$ 1 doolar] laakiin marka la geeyo suuqa magaalada Gaalkacyo waxaa lagu kala iibsadaa lacag dhan 30-40  Kun oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta cel-celis ahaa [$ 3 doolar]

Gadiidleyda ayaa iyaguna sheegay in ay suuq fiican ku qabaan dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira waqtiga magaalada, iyaga oo badeeco kala duwan u safriya gobolada dalka ganacsigoodu ku xiran yahay magaalada Baladweyne.

Laakiin haddana marka la aad dhinaca kale eegto waxaa jira qudaar uga timaada magaalada deegaannada kale sida Muuska oo ay ka hesho gobollada Koonfurta Soomaaliya sida degmada Afgooye iyo halka Bardhada oo ka soo gasha magaalada dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Hasse ahaatee ganacsatada qaarkood ayaa ii sheegay in hadda si tijaabo ah uu uga baxo gobolka Muuska, inkastoo uusan aheyn mid ku filan ganacsi ahaan suuqa.

Sidoo kale, magaalada Baladweyne waxaa ka mid ah ganacsiga sida weyn uga socda dhoofinta xoolaha sida Geela, Ariga iyo Lo'da, kuwaa oo si toos ah u taga magaalada Boosaaso oo looga sii gudbiyo dalalka Carabta.

Laakiin todobaadkii ugu danbeeyay waxaa jiray magaalada jahwareer dhinaca sarifka oo wax xoogaa suuqa magaalada Baladweyne sare uga kacay, taasoo loo aaneynayo lacago been-buur ah oo si dhuumaleysi ah ganacsatada qaarkood ku soo galliyaan magaalada.

Maamulka gobollka Hiiraan ayaa uga digay ganacsatada arinta ayada ah, waxaana ay amar ku siiyeen ciidamada in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa gadiidka xamuulka ah ee ka soo galla gobolada dhexe oo inta badan la sheego in lacagtaas lagu soo daabulo.

Suuqa safirka magaalada Baladweyne ayaa maanta $ 100 doolar waxaa lagu kala sarifanayaa 2,600,000 oo shalin Soomali ah, halka todobaad ka hor uu ka ahaa $100 doolar, lacag u dhiganta 2, 300, 000 oo shilin Soomaali ah, taasoo muujineysa farqiga u dhaxeeya todobad kadib.

Sikastaba guud ahaan marka la eego dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka faa'ideysanaya marka laga soo tago ganacstada dadka muruq-maalka ah oo siyaabo kala duwan nolal maalmoodkooda uga soo saarta suuqa.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya