4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2013
Qaramada Midoobay oo Muujisay walaaca ay ka qabto sharciga Saxaafadda ee dhawaan ay soo gudbiyay Xukuumadda Somalia


Sabti, July 20, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ku biirtay ururrada walaaca xooggan ka muujiyay sharciga qabyada ah ee saxaafadda Somalia oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inuu yahay mid caqabad ku ah xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

Warbixin ay soo saareen guddiga sare ee xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay (OHCHR) ayaa lagu sheegay in sharcigan uu yahay mid xadidaya ilaha ay wararka ka helayaan suxufiyiinta iyo inaan la baahin Karin wax ka horimaanaya dhaqanka Soomaalida.

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxaan ku talinaynaa inay dib u eegaan sharciga qabyada ah ee saxaafadda, lana waafajiyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha dunida,” ayuu yiri afhayeenka xafiiska OHCHR, Rupert Colville oo wariyeyaasha kula hadlay Geneva.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in sharcigan looga dalbanayo inay soo gudbiyaan wariyeyaasha ilaha ay wararka kasoo xigteen, haddii uu ka yimaado wax muran ah, sidoo kalena shaqooyinka laga xayirayo wariyaha iyo hay’adda uu u shaqeeyo inta ay baaritaannadu socdaan.

“Waxaan si aad ah uga xunnahay qodobbada sharcigan ku jira oo u muuqda kuwo si fudud loogu doonayo in loogu baabi’iyo xorriyadda saxaafadda dalka iyo xorriyadda hadalka Soomaaliya.,” ayuu yiri afhayeenka guddiga guud ee xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay.

Colville ayaa intaas ku daray in xukuumadda Soomaaliya ay weydiisanayaan inay ogolaato inay sameyso guddi sare oo wadatashi iyo dib u eegis dhab ah ku sameeya sharcigan inta aan loo gudbin baarlamaanka Somalia oo looga baahan yahay inay meel-mariyaan.

“Waxaan rumeysannahay in dib u eegista sharcigan ay u baahan tahay xilli ku filan oo laba bilood ah ugu yaraan, si loogu helo watashiyada iyo wax ka badalka sharcigan fursad wanaagsan,” ayuu Colville hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, afhayeenka OHCHR wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin arrinta ku saabsan sameynta Golaha Saxafiyiinta Qaranka, kaasoo loo baahan yahay in xubnihiisu ay noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay isla markaana ah kuwo madax-bannaan.

Ururka midowga suxufiyiinta caalamka IFJ, xiriirka ururrada shaqaalaha Afrika UTICU-Africa iyo ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa horay walaac midkan la mid ah uga muujiyay sharciga saxaafadda Soomaaliya ee ay soo gudbisay xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya