4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 20, 2013
Qarax Xooggan oo Kismaayo lagula eegtay ciidamada Sierra Leone oo qayb ka ah Howgalka AMISOM ee Somalia (SAWIRRO)


Sabti, July 20, 2013 (HOL) —
Qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ah ayaa maanta gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika gaar ahaan ciidamada ka socda dalka Sierra Leone.

Qaraxan o o ahaa mid aad u xooggan islamarkaana siweyn looga maqlayay guud ahaan xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa ka dhacay xaafadda Calanleey gaar ahaan illinka hore ee Isbitalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana qaraxani uu sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illaa hadda inta la ogyahay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay mid kalena waxa kasoo gaaray dhaawac, waxaana dadkani la sheegay in ay haleeshay rasaastii ay furayeen ciidamadii qaraxa lala beegsaday.

Waxaa adkeyd in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamadii qaraxa lala eegtay, maadaama ciidamadaasi ay xireen wadooyinkii soo galayay halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale ay furayeen rasaas.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo baaritaanno ah, walow aysan jirin cid ilaa imika lagu qabtay howlgalladaasi.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa gabi ahaanba  istaagay dhaqdhaqaaqi ganacsi ee suuqyada waaweyn ee magaalada Kismaayo, iyadoona sidoo kale ay istaageen isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee isticmaali jiray wadada dheer ee laamiga ah ee marta xaafadda Calanleey.

Ma jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee Jubooyinka oo ka hadlay qaraxa, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay weerarkaasi.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo kusoo badanayay weerrrada loo adeegsanayo Miinooyinka ee lala eegto ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaana dhacdadani ay kusoo beegmeeysaa xilli shalay gudaha magaalada Kismaayo looga dhawaaqay guddi ka shaqeeyn doona sugidda amninga guud ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.








Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya