4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2013
Xildhiabannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta Ansixiyay heshiis Milateri oo ay kala saxiixdeen Somalia iyo Turkiga

Sabti, July 20, 2013 (HOL) — Xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku ansixiyeen heshiis dhinaca milateriga ah oo dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, taasoo dowladda Turkiga ay ku dhisayso xarumaha ciidamada Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo xaadireen 184 mudane ayaa waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaalia, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari), waxaana uu ka mid yahay kulammadii aan caadiga ahayn ee xildhibaannada baarlamaanku ay yeelanayeen bishan July.

Furitaankii kulanka kaddib waxaa xildhibaannada baarlamaanka wabixin ka siiyay sida uu heshiiskan u dhacay xoghayaha guddiga baarlamaanka, intaa kaddibna waxay xildhibaannadu billaabeen inay ka doodaan heshiiskan.

Xildhibaanada ayaa waxay su’aalo ku saabsan heshiiskan weydiiyeen wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi oo ku sugnaa baarlamaanka, isagoo su’aalihii arrintaas laga weydiiyay ka shaafiyay xildhibaannada baarlamaanka.

Doodda kaddib ayaa waxaa heshiiskan la geliyay cod, iyadoo 170 xildhibaan oo ka mid ah kuwii kulanka maanta soo xaadiray ay ogolaadeen, halka 11 ka mid ah xildhibaanada ay diideen, saddex kalena ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay sidii loogu codeeyay heshiiskan, isagoo sheegay in heshiiskan uu yahay mid wixii maanta ka dambeeya sharci ah.

Intaas kaddib waxay xildhibaannada baarlamaanka ku dhageysteen warbixin ku saabsan sida ay u nool yihiin Soomaalida ku nool dalka Koonfurt Suudaan iyadoo xildhibaanada warbixinta laga dhageystay ay ka mid ahaayeen wafdi uu horkacayay madaxweynaha Soomaaliya oo toddobaadkii hore booqday dalkaas.

Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayaa in dowladda Turkiga dayactirto xarumihii ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay tababarro siiso, iyadoo tani ay ka mid noqonayso qorshayaasha taageero ee Turkiga uu siinayo Soomaaliya.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in heshiiskan la ansixiyay uu xigi doono ka doodista iyo u codeynta hidise shaciyeed ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya