4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2013
Qaxooti ka Laabtay Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya oo Gaaray Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo (SAWIRRO)
IMG_3438.jpg
Sabti, July 20, 2013 (HOL) - Qaxooti tiradoodu gaarayso afar boqol iyo labo “402” qoys oo ah dad si iskood ah ugu noqday  magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa dhammaantood ka tagay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ku yaalla dalka Kenya.

Hay’adda Africa volunteers for relief and development “Avord” oo kaashanaysa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa u qeybisay saddex kun “3,000” oo qoys oo isugu jira qaxootiga soo noqday iyo kuwa gudaha dalka ku barakacayba alaabooyin kala duwan.

Alaabada qoys waliba la siiyay waxay ka koobantahay bacda hoyga laga samaysto, saddex buste iyo Sali.

IMG_3475.jpg

Ujeedada mashruucan ayaa ah in qaxootiga soo noqonaya dab-u- dajin loo sameeyo si ay nolosha ula qabsadaan.

Hay’adda Avord ee mashruucan fulinaysa ayaa ka shaqaysa in u samayso bulshada arrimaha laxiriira dib-u-dajinta, horumarinta iyo gargaarka bani’aadannimada taasoo ay muddo dheer u fidineysay ummadda Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan gobolada dalka.

Xerada qaxootiga ee dhadhaab oo ah qaxootiga ugu badan ee caalamka ay ku jiraan ayaa bilihii ugu dambeeyay ay bilaabeen Soomaalidu inay dalkooda dib ugu laabtaan kadib markii gobollada qaarkood oo ay qaxootigaasi ka yimaadeen laga soo sheegay xasillooni.

IMG_3622.jpg
IMG_3640.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya