4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2013
Hay’adda MSF oo Kenya ka dalbatay in dib loo dhigo Qorshaha lagu celinayo Qoxootiga Soomaalida ee ku jira Dhadhaab

Newly arrived Somali refugees wait outside the registration center at Ifo camp in Daadab refugee camp July 10,2011 North Eastern Kenya.
Sabti, July 20, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF oo ka mid ah hay’adaha ka howlgala xeryaha dhadhaab ee Kenya ayaa ugu baaqay xukuumadda Nairobi inay dib u dhigto qorshaha dib loogu celinayo qoxootiga Somaaliyeed ee ku jira xeryahaas.

MSF oo maamusha isbitaal ku yaalla xerada Dhagaxley oo yaallaan 300 oo sariirood ayaa sheegtay in inta badan gobollada dalka Somalia aysan ahayn weli kuwo ay hay’adah samafalku ka howlgeli Karin.

“Sida noo muuqata qorshaha dib u celinta qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool ma suurogalayso illaa xaaladaha ammaan ee Somalia ay ka noqdaan kuwo la isku halleyn karo,” ayay tiri madaxa howlaha MSF ee Kenya, Elena Vellila oo warbaahinta la hadashay.

Elena Vellila waxay sheegtay in ammaanka Soomaaliya uu weli yahay mid aad u liita, maamullada deegaannadana ay yihiin kuwo aan sal ku fadhin, sidaa daraadeedna ay codsanayaan in dib loo dhigo celinta qoxootiga.

Dalka Kenya ayaa wuxuu hoy u yahay in ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ku jira xeryaha Dhadhaab oo ah kuwa ugu weyn caalamka, waxaana dadkaasi qaarkood ay halkaas tageen 22-sano ka hor.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee Soomaalida ah ay ku celiso dalkooda, maadama ay xaaladda gobollada dalka qaarkood yihiin kuwo wanaagsan oo Al-shabaab laga saaray.

Dhanka kale, guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay UNHCR ayaa ku talisay in dib u celinta qoxootiga Soomaalida la waafajiyo shuruucda caalamiga ah.

Madaxa guddigan, Antonio Guterres ayaa soo jeediyay qorshe wadajir ah oo ay xukuumada Soomaaliya, Kenya iyo haya’daha Qaramada Midoobay ku maareynayaan habka dib loogu celinayo qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha ku yaalla dowladda Kenya.

Hadallada kasoo yeeray hay’adahan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli lagu wado in bisha Ogoosto ee sannadkan lagu qabto dalka Kenya shir-weyne looga tashanayo dib u celinta Qoxootiga Soomaalida Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya