4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha Milateriga, kalana hadlay Ammaanka (SAWIRRO)


Sabti, July 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan muddo saacado ah qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo kala hadlay sidii ammaanka loo xoojin lahaa.

Kulankan oo ka dhacay taliska ciidamada xoogga dalka ee Villa Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka, iyadoo madaxweynuhu uu ku wargeliyay inaan loo dul-qaadan doonin in dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka ay sii socdaan.

“Soomaaliya hal sano ayaa lagu tijaabiyay habka ay u isticmaalayso hubka, haddii lagu fashilmo sannadkan isticmaalka hubkana waxaa imaanaysa inaan dib dambe loo aaminin Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo hadal u jeediyay saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Madaxweynuhu wuxuu weydiistay saraakiisha inaan loo baahnay in hubku uu ka baxo gacanta ciidamada, wuxuuna intaas ku daray in la sameeyay sharci cusub oo lagu sugayo ammaanka guud ee dalka, isla markaana aan loo dul-qaadan doonin wixii hadda ka dambeeyay in isbaaro la dhigto, in hubka lala dhexmaro magaalada iyo in shacabka dhibaatooyin loo geysto.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu saraakiisha kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka, isagoo sheegay in askarigii dambi lagu helo aan isaga oo keliya maxkamad la geyn doonin, balse lala geyn doono sarkaalka xukuma.

Xasan Sheekh wuxuu soo hadal qaaday musuqmaasuqa saadka ciidamada iyo mushaaradkooda, isgaoo sheegay in wax lagu tilmaamo aan la garanayn in sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga uu musuqmaasuqo mushaaraadkii ama saadkii ciidamada loogu talogalay.

“Waa wax aan loo dulqaadan karin in ciidamada dowladda ee ku sugan meelo fog-fog oo looga horjeedo cadowga in aanu gaarin raashinkii loogu talogalay,” ayuu madaxweynuhu ku yiri saraakiishii uu la kulmay oo uu si adag ula hadlay maanta.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladnimada Soomaaliya ay ku xiran tahay hadba sida ay u dhismaan ciidamada xoogga dalka oo udub dhexaad u ah dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inaan loo dulqaadan doonin in askari ka mid ah ciidamada uu dhibaato u geysto shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu saraakiisha ku boorriyay inay guntiga u xirtaan sidii looga hortegi lahaa wax walba oo dhibaato ah, ayna ka hor-tagaan dhibaatooyinka ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha dalka oo uu ku tilmaamay kuwo nabadda kasoo horjeeda.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya