4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
DAAWO SAWIRRADA: Diyaar-garowga loogu jiro Xuska Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya oo Berri ka Furmaya Magaalada Jigjiga


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Magaalada Jigjiga ee magaalo-madaxda ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka socda diyaar-gowga loogu jiro xuskii siddeedaad ee qowmiyadaha dalka Itoobiya ayaa waxaa u suuro-gashay Hiiraan Online (HOL) inay idiin soo gudbiso sawirrada diyaar-garowga xuskaas.

Dabaal-dagyada xuska ayaa billaaban doona berri oo Axad ah iyadoo magaalada Jigjiga ay ku sugan yihiin hadda kumannaan ruux oo xuskaas ka qayb-galaya xuska, kuwaasoo isugu jira madax ka socota Afrika iyo wakiillo dowladeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa xuskaas uga qayb-galaya wafdi uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi, sidoo kale waxaa Jigjiga ku sugan madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo xubno kale.

Xuskan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya lagu qabto, iyadoo xuska ay kasoo qaybgalayaan maamullada ka jira dalka Itoobiya oo dhan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya