4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Shirkii looga hadlayay Amniga iyo Dhaqaalaha Afrika oo la soo Gunaanaday iyadoo la isku raacay in la caawiyo Dalalka Afrika


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Shirkii looga hadlayay ammaanka iyo dhaqaalaha Qaaradda Afrika oo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa lasoo gaba-gabeeyay caawa, iyadoo la isku raacay in Afrika laga caawiyo sidii ay uga bixi lahayd dhaqaale xumada iyo amni-darrada haysata.

Gaba-gabadii shirka ayaa waxaa shir jaraa’id wadajir u qabtay madaxweynaha Farasniiska, Francois Hollande iyo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon waxayna sheegay in Qaaradda Afrika ay u baahan tahay in laga caawiyo sidii dhaqaalaheedu uu u kobci lahaa.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in Qaaradda laga caawiyo sidii ay uga bixi lahayd xaaladda dhaqaale ee adag ee ay hadda ku jirto, iyadoo goobta laga sheegay in loogu deeqay lacag shanta sano ee soo socta ay uga soo kabato dhaqaale xumada ay ku jirto, inkastoo lacagtaas cadadkeeda aan la shaacin.

Qodobbadii kale ee la isla gartay ayaa waxaa ka mid ah in Banki ay wada leeyihiin Afrika iyo Yurub la sameeyo, kaasoo qayb ka ah sida la sheegay dib u yagleediddad dhaqaalaha Qaaradda.

Dhanka kale, waxaa shirka lagu soo qaaday dalalka Soomaaliya iyo Maali oo la sheegay in gacan laga siiyo sidii ay uga bixi lahaayeen colaadaha mudada ka jiray sida ay hadda yihiin aan lagu sii dayn, iyadoo madaxweynaha France uu sheegay in la xoojiyo ciidamada ku sugan labadaas dal iyadoo Qaramada Midoobay la kaashanayo, laguna maal-geliyo si ammaanka dalalkaas ay dib ugu soo celiyaan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda dalalka Afrika oo taageero ka hela Qaramada Midoobay, kuwaasoo xukuumadda Soomaaliya ka caawinaya dagaallada ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Madaxdii dalalka Afrika iyo kuwa Faransiiska ayaa waxay sidoo kale isku raaceen in dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe la geeyo ciidammo isugu jira Faransiiska iyo Afrikaan si ay wax uga qabtaan colaadaha iyo rabshada ka taagan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa shirka uga qaybgalay wafdi ay hoggaaminayo wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf X. Aadan oo uu wakiishay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya