3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Qaar ka mid ah bukaannadii ku dhaawacmay Qaraxii degmada Boosaaso oo xaaladdooda Caafimaad laga Dayrinayo (SAWIRRO)

Sabti, December 07, 2013 (HOL) —
Waxaa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saddex maalmood kahor ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Isbitaalka guud ee degmada, waxaa weli lagu dabiibayaa dhowr qof oo ay xaaladoodu halis tahay, kuwaasoo ay ku jiraan dumar iyo carruur aad u da'yar.

Dadka dhaawaca ah o ay waxyeello kasoo gaartey firirkii uu qaraxu sameeyey, waxay qabaan dhaawacyo u badan jajab, gaar ahaan: feeraha, gacmaha iyo lugaha.

Axmed, waa wiil yar oo baalashle (kabo caseeye) ah, kana soo jeeda qoys barakacayaal ah, wuxuuna kamid ahaa dadkii qaraxii subaxnimadii Khamiista Boosaaso ka dhacay sida xun ugu dhaawacmay.

Wiilkan yar ayaa firirka qaraxu wuxuu ka galay meelo badan oo jirkiisa kamid ah, gaar ahaan: madaxa, lugaha, caloosha iyo feeraha, isaga ayaana ah qofka ugu liita kuwa dhaawaca ah ee weli isbitaalka jiifa.


Maxamed Cali Kobra, waa madaxa shaqaalaha ee isbitaalka magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay in dhaawacyada isbitaalka lasoo gaarsiiyey oo ay tiradoodu 37 ahayd, ay ku jireen qaar ay lugaha iyo gacmuhu ka go'een.

Kobra ayaa dhinaca kale sheegay in guud ahaan tirada dhimashadu ay 9 qof tahay, isagoo xusay in maamulka iyo hawlwadeenada caafimaadka ee ka shaqeeya isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso ay dadaal badan ku bixiyeen, sidii ay dadka dhaawaca ah u siin lahaayeen daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saddex maalmood kahor ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaa lala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa badda ee Puntland xilli ay marayeen bartamaha suuqa magaalada Boosaaso, dadka qaraxaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, waxay u badnaayeen dad shacab ah oo xilligaas goobta uu qaraxu ka dhacay ka ag dhowaa.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya












Click here
12/7/2013 2:42 PM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Magaalada Jigjiga ee magaalo-madaxda ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka socda diyaar-gowga loogu jiro xuskii siddeedaad ee qowmiyadaha dalka Itoobiya ayaa waxaa u suuro-gashay Hiiraan Online (HOL) inay idiin soo gudbiso sawirrada diyaar-garowga xuskaas.

12/7/2013 1:35 PM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Shirkii looga hadlayay ammaanka iyo dhaqaalaha Qaaradda Afrika oo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa lasoo gaba-gabeeyay caawa, iyadoo la isku raacay in Afrika laga caawiyo sidii ay uga bixi lahayd dhaqaale xumada iyo amni-darrada haysata.

12/7/2013 12:57 PM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Khataraha ka jira dalka Liibya waxay u ekeysiiyeen dalkaas sidii Somalia oo kale, sidaa waxaa yiri madaxweynaha dalka Nayjar, Mahamadou Issoufou oo la hadlayay warfidiyeenka isagoo kusii jeeda magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska oo uu ka socdo shir ammaanka Qaaradda Afrika looga hadalyo.

12/7/2013 12:33 PM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Booliiska rabshadaha ka hor-tagga ee dalka Kenya ayaa shalay oo Jimco ahayd 20-qof oo muslimiin ah ku xiray magaalo xeebeedda dalkaas ee Mombasa, kaddib markii ay hareereeyeen masjidka Sakina oo ku yaalla xaafadda Majengo. Waxaana ku jiray afar qof oo maxkamad ay amartay in lasoo xiro sida uu sheegay taliyaha booliiska ee Makupa.

12/7/2013 12:07 PM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Garaad Saleebaan Garaad Max'ed Garaad Maxamuud oo ay weheliyaan odayaal iyo waxgaradka deegaanka Sarmaanyo oo degmada Taleex kaga beegan dhinaca waqooyi 80-km ayaa ku baaqay in nabad iyo wadahadal lagu dhameeyo khilaafkii sababay dagaalladii ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

12/7/2013 9:37 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa shaaciyay in sannadkan ay Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow-dhow ka dhaceen illaa 12,00 oo shilal gaadiid ah, kuwaasoo ay ku naf-waayeen 80-qof.

12/7/2013 9:21 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Iyadoo lagu waday in maxkadda gobolka Banaadir ay maanta dhageysato dacwad loo haysto milkiilaha Radio Shabelle, C/maalik Yuusuf, wariye Maxamed Bashiir iyo gabar wariye ah oo sheegtay in la kufsaday ayaa dib loo dhigay.

12/7/2013 8:34 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Shirar kala duwan ayaa maanta Baydhabo ka dhacay maanta kaddib markii uu magaaladaas gaaray guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan oo ka mid ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka hadda jira iyo wafdi u badan xildhibaanno oo uu hoggaaminayay.

12/7/2013 7:00 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo wasiirka war-faafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ay ka mid yihiin, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Axmed Xasan, xildhibaanno, odayaal-dhaqameed iyo xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah ayaa xalay gaaray magaalada Jigjiga oo ah xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

12/7/2013 6:37 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qaybgalaysa shirka looga hadlayo amniga iyo nabadgalyada qaaradda Afrika ee ka socda Paris ayaa sheegtay in Nelson Mandela uu astaan u ahaa midnimada iyo dib u heshiisiinta dalka Koonfur Afrika.

12/7/2013 6:30 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — C/weli Maxamed Cali Gaas oo ah musharrax u taagan xilka madaxweynenimo ee Puntland, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

12/7/2013 6:16 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Nin ay si aad ah u doon-doonayeen cidamada la dagaalanka argagaxisada ee Kenya ayaa lagu dilay maanta magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo ciidamadu ay ku toogteen bas gudihiis.

12/7/2013 5:44 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Warsame Faysal oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Somalia oo maanta lagu aasay gudaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo aaskiisana ay ka qayb-galeen ra’iisul wasaaraha xilka ka dagaya ee Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), xildhibaanno uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

12/7/2013 5:30 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

12/7/2013 2:08 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux ayay dhaawacyo kasoo gaareen saddex madfac oo xalay ku dhacay xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Wadhiigley, iyadoo aan la ogeyn halka ay madaafiicdaas ka yimaadeen.

12/7/2013 2:08 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel) ayaa wacad ku maray inaanu marna baaqan doonin shirkii Khaatumo, kaddib mar shalay boqolaal qof kula hadlayay degmada Buuhoodle.

12/7/2013 1:42 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo hor leh ayaa soo gaaray deegaanka Ceelbarde ee gobolka Bakool halkaasoo ay dowladdu ka taliso, iyadoo aan la ogeyn ujeeddada ciidamadan, sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa howlgallo ka sameeyay waddo isku xirta deegaanka Awdiinle iyo degmada Qasax-dheere oo Al-shabaab u xirnayd.

12/7/2013 1:08 AM EST
Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska hoggaamiyaha guud ee maamulka KMG ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta lagu magacaabay siddeed wasiir iyo madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubba.