4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka warfaafinta Somalia oo gaaray Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo wasiirka war-faafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ay ka mid yihiin, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Axmed Xasan, xildhibaanno, odayaal-dhaqameed iyo xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah ayaa xalay gaaray magaalada Jigjiga oo ah xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxaa wafdiga si heer sare ah ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan ismaamulka deegaanka Soomaalida iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

Wafdiga ayaa la dajiyay hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Jigjiga, iyadoo lagu wado inay ka qaybgalaan xuskii sideed ee qowmiyadaha dalka Itoobiya oo berri oo Axad ah si rasmi ah uga furmaya magaalada Jigjiga.

Xubnaha wafdiga ayaa isla xalay lagu soo wareejiyay qaybaha ay magaaladaas ka kooban tahay si ay u arkaan horumarka laga sameeyay sannadihii lasoo dhaafay, iyadoo wafdigu ay aad ugu farxeen inay yimaadaan Jigjiga ayna arkaan horumarka ay ku tallaabsatay.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay imaanshaha magaalada Jigjiga aana ka qaybgalno xuska qowmiyada dalka Itoobiya, waxaana wax ka kororsan doonaan horumarka iyo maamul-wanaagga ka jira degmada,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in magaaladu ay horumar weyn ku tallaabsatay.

Maanta oo Sabti ah ayaa wafdiga geeyay goobo ay ka mid tahay madaxtooyada maamulka Soomaalida Itoobiya, dhismayaasha magaalada laga hirgeliyay, meel ka baxsan magaalada oo lagu sheegay inay tahay meel taariikh u leh Soomaaliya iyo Itoobiy, isbitaalka weyn ee Jigjiga oo dayactir lagu sameeyay looguna magac-daray ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi iyo goobo kale oo muhiim ah.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay maanta kulammo la qaataan mas’uuliyiinta is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana magaalada si aad ah uga socda diyaar-garowga xuska qowmiyadaha oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Jigjiga.

Magaalada Jigjiga ayaa waxaa ku dhow buurta Kaaraa-mardha oo uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamadii Somalia iyo kuwa Itoobiya sannadkii 1977-kii, halkaas ay ciidamada Soomaalidu qabsadeen.

Xuska qowmiyadaha Itoobiya oo Jigjiga markii ugu horreysay lagu qabanayo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa carwooyin kala duwan, waxaana sidoo laga dhigay magaalada bannaankeeda 1,500 oo aqal Soomaali ah kuwaasoo la sheegay in dajin doono martida kala duwan ee ka qaybgalaysa xuska.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya