4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo oo Shaaciyay inuu Qabsoomayo shirkii Khaatumo cid is-hortaagi kartana aysan jirin


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel) ayaa wacad ku maray inaanu marna baaqan doonin shirkii Khaatumo, kaddib mar shalay boqolaal qof kula hadlayay degmada Buuhoodle.

Indha-sheel oo safarkiisa ay ku weheliyeen waxgarad iyo madax-dhaqameed ayaa dadka reer Buuhoodle uga mahad-celiyay soo dhowaynta ay isaga iyo wafdigiisa u sameeyeen,  waxaanu tacsi u diray qoysaskii ay kasoo jeedeen dadkii dhawaan ku dhintay dagaalkii ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Garaad Cismaan Mashqare oo weftigaas ka mid ahaa ayaa wuxuu isaguna ka sheekeeyay dagaalladii degmada Taleex ka dhacay, waxaanu xusay inaysan ku dagaalamin halkaas laba beelood ee ay ku dagaallameen ciidammo iska soo horjeeda, isagoo xusay in dad shacab ah lagu xasuuqay degmadaas.

Sidoo kale, Suldaan Siciid Cismaan Cali oo madax-dhaqameedka Caymeed ka mid ah ayaa soo dhaweyntaas hadal uu ka jeediyay wuxuu maamulka Puntland ku tilmaamay in cilaaqaad ka duwan kii hore uu bilaabmay.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee Indha-sheel iyo xubnihii ku wehliyay ay ku tagaan magaaladda Buuhoodle tan iyo 27-kii bishii aan soo dhaafnay ee November markaasoo ciidamada maamulka Puntland iyo kuwo maamulka Khaatumo ka tirsan ay kasoo saareen degmada Taleex oo la filaayay in lagu qabto shirweynihii maamulka Khaatumo oo muran ka taagnaa.

Wararka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in Indhasheel iyo qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ay aadi doonaan dalka Itoobiya halkaas oo la filayo sida ay sheegayaan warar hoose in wadahadal looga furi doono maamulkooda iyo kan Puntland.




Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool