4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Taliyaha Ciidanka ilaalada Waddooyinka Muqdisho oo ka warbixiyay shilalkii Sannadkan Dhacay iyo Tirada Dadkii ku dhintay


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa shaaciyay in sannadkan ay Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow-dhow ka dhaceen illaa 12,00 oo shilal gaadiid ah, kuwaasoo ay ku naf-waayeen 80-qof.

Jen. Cali Gaab oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Bar-kulan ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan howlahooda, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin darawallada oo dhicii ay doonaan wadada ka mara iyo kuwa xamuulka oo mararka qaarkood bartanka waddooyinka waaweyn ku rogmada.

“Dhibaatooyin badan ayaan kala kulannaa howlaha aan ku jirno, waxaa qaarkood ka mid ah in gaadiidka dalka la keenayo ay yihiin kuwii aan loogu talogelin in jidadka Soomaaliya loo isticmaalo iyo dawallada gaadiidka oo waddooyinka ka mara dhinicii ay doonaan,” ayuu yiri Jen. Barre, isagoo intaa raaciyay inay wasaaradda gaadiidka ku wargelinayaan inay wax ka qabto gaadiidka aan dalkan loogu talo-gelin ee dekedda kasoo dagaya.

Wasiirka warfaafhinta iyo gaadiidka Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge oo HOL arrintan uga warramay goor sii horreysay ayaa sheegay in wixii ka dambbeeya 31-ka December ee sannadkan 2013 aanay kasoo degi doonin dekedda Muqdisho gaadiidka laga wado dhinaca midig, lana hubin doono xilligaas kaddib gaadiidka soo dagaya inuu yahay mid waafaqsan shuruucda waddooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale, taliyaha oo wax laga weydiiyay nalalka samaafaraha oo mararka qaarkood ay si qaldan u bixiyaan farriimmo, taasna ay keento inay shilal dhacaan ayaa kaga jawaabay in howshaas xallinteeda lagu jiro ayna dhici karto in markaas ay cillado dhinca dabka ah ku yimaadaan nalalka.

“Nalalkan waxay ku shaqeeyaan cad-ceedda, waxaana dhici karta inay si aan sax ahayn u bixiyaan amar, taasi way keeni kartaa dhibaato, waxaase lagu jiraa hagaajintooda,” ayuu ku gaabsaday taliyaha.

Mar la weydiiyay shilalka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay ayuu sheegay in sannadka ay dhaceen illaa 12,00 oo shil, kuwaasoo ay ku naftooda ku waayeen 80-qof, isagoo xusay in dhimashada dadka ay mararka qaarkood keento meelo qaldan oo gaadiidka dadweynaha ay shacabka ku dajiyaan.

Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan caasiga (Mini-bas) oo ka shaqeeya Muqdisho ayuu sheegay inay dhibaato xooggan ku qabaan, isagoo xusay in wadayaasha gaadiidkaas ay kaga socdaan halkii ay waddooyinka kasoo gaaraan; khaladaadka ugu badanna ay kala kulmaan gaadiidka dadweynaha.

Su’aal ahayd xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo ciidamada booliiska AMISOM ayuu sheegay inay ugu yimaadaan oo keliya sheeko, balse aysan jirin wax-qabad kale oo ay kusoo kordhiyaan howlahooda.

“Raggaas sheeko ayay noogu yimaadaan, maalin walba ayay noo yimaadaan mana jirto wax intaas ka badan oo ay nagu caawiyaan. Waayo waxaa jirtay inay horay noogu ballanqaadeen gaadiid loo isticmaalo howlaha aan qabanno ee ilaalinta waddooyinka balse weli nama aysan soo gaarsiin,” ayuu mar kale yiri Jen. Cali Gaab.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay goobaha magaalada Muqdisho ee ay ka howl-galaan isagoo sheegay inay ka howlgalaan 32-barood oo magaalada oo dhan wuxuuna intaas ku daray in labadii sano ee howsha ay wadeen ay toddoba ruux ka dhinteen, sannadkan oo keliyana ay ka dhinteen afar ruux ayna ka dhaawacmeen laba kale, kuwaasoo uu sheegay in qaarkood ay weerareen xubno Al-shabaab ka tirsan, kuwo kalena ay kaga dhinteen qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Ugu dambeyn, waxaa wax laga weydiiyay sida u xalliyaan shilalka dhacay iyo inay jirto cadaalad-darro mararka qaarkood dhacda, isagoo xusay inay joogaan injineerro howshaas ku shuqul leh, howshuna ay tahay mid xisaab ku saleysan oo aan sinna lagu qiyaani karin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya