4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Nin ay si aad ah u Doon-doonayeen Ciidamada la Dagaallanka Argagaxisada ee Dalka Kenya oo lagu dilay Magaalada Mombasa


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Nin ay si aad ah u doon-doonayeen cidamada la dagaalanka argagaxisada ee Kenya ayaa lagu dilay maanta magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo ciidamadu ay ku toogteen bas gudihiis.

Xasan Suleymaan Mwayuyu ayay booliiska Kenya sheegeen inuu ahaa nin tababarro ku siin jiray gudaha dalkaas xoogag ku biiraya kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya, iyadoo la sheegay in dhallinyarada uu inta badan ka kexeyn jiray deegaannada Kwale, Changamwe iyo Kisauni.

Ninkan ayay walaalo ahaayeen Xasan Nyiro oo booliiska Kenya ku dileen bishii Juun ee sannadkan 26-keedii xaafadda Kisauni, kaasoo la sheegay inuu dhallinyarada u qori Al-shabaab tababarrana ku siin jiray gudaha Kenya.

Xaaska Nyiro oo lagu magacaabo Raxma Xasan ayaa iyadana horay loogu eedeeyay inay hubka iibin jirtay. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si aad ah u cambaareeyay dilkan, iyagoo sheegay inay tahay mid sharciga dalkaas ka baxsan.

“Dilalka waa inay noqdaan kuwo sharciga loo maro, balse ma ahan in inta qof la iska eedeeyo haddana lagu toogto dariiqyada, taasina waa mid ka baxsan sharciga,” ayuu yiri Xasan Khaalid oo ah madaxa ururka xuquuqda aadanaha ee Haki Africa.

Sidoo kale, Mr. Khaalid ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in booliisku ay soo saareen digniin lagu soo qabanayo ninkaas, waxayna ahayd in marka hore sharciga la geeyo qofka si uu isku difaaco ama u qirto dambigiisa.

Booliiska Kenya ayaa sheegay Isniintii lasoo dhaafay in ninkan uu mas’uul ka ahaa weerarro kala duwan oo lagu qaaday kaniisado ku yaalla dalka Kenya, waxaana u suurogashay ciidamadu inay maanta oo Sabti ah toogtaan.

Taliyaha booliska Kwale, Richard Mugwai ayaa sheegay in aroornimadii hore ee saakay 8:00 aroornimo Xasan Mwayuyu lagu dhex-toogtay bas yar oo ay saarnaayeen 29-qof oo rakaab ah, isagoo xusay inay baaritaan ku sameyn doonaan arrintaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya