4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Ciidammo Itoobiyaan oo soo gaaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool iyo Howlgallo laga sameeyay Gobolka Bay

Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo hor leh ayaa soo gaaray deegaanka Ceelbarde ee gobolka Bakool halkaasoo ay dowladdu ka taliso, iyadoo aan la ogeyn ujeeddada ciidamadan, sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa howlgallo ka sameeyay waddo isku xirta deegaanka Awdiinle iyo degmada Qasax-dheere oo Al-shabaab u xirnayd.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in degmada Ceelbarde uu ka jiro maanta dhaqdhaqaaq xooggan oo ay sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee halkaasoo gaaray, iyadoo dhawaan ay maamulka gobolkaas u sheegeen warbaahinta inay qorsheynayaan inay Al-shabaab ka saaraan deegaannada ay gobolkaas kaga sugan yihiin.

Dhanka kale, howgalka ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ka sameeyeen jidka isku xira Awdiinle iyo Qansax-dheere ayaanay dhicin wax caqabad ah oo ay kala kulmeen, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Qasax-dheere.

“Ciidamada dowladda iyo kuw Itoobiya oo isgarabsanaya ayaa waxay ku guuleysteen inay qaadaan jidgooyooyin ay Al-shabaab dhigteen waddada isku xirta Qansax-dheere iyo Awdiinle, wax caqabad ah oo Al-shabaab lagala kulmayna ma jirto,” ayuu yiri guddoomiyaha Qansaxdheere Carracase oo la hadlay VOA-da.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in markii hore Al-shabaab ay u xireen jidkaas inaanay gaadiidka ganacsigu u gudbin degmada Qansax-dheere iyo deegaannada kale ee la midka ah, balse hadda taas laga gudbay oo ay gaadiidka ganacsigu mari karaan jidkaas wixii hadda ka dambeeya.

Xaalado dhinaca nolosha ah oo aad u daran ayaa laga soo sheegayay dhowr degmo oo dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Qansax-dheere kaddib markii gaadiidka ganacsiga loo diiday inay jidkaas maraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya